Donald Trump "Kalsooni Weyn Ayaan Ku Qabaa Boqor Salmaan iyo Wiilkiisa Dhaxal Sugaha Ah".

Wednesday November 08, 2017 - 06:01:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump "Kalsooni Weyn Ayaan Ku Qabaa Boqor Salmaan iyo Wiilkiisa Dhaxal Sugaha Ah".

    Dowladda Kirishtanka Mareykanka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay howlgallo raaf ah oo ciidamada ashahaadda ladirirka maamulka Ala Sacuud ay maalmo ka hor ka fuliyeen magaalada Riyadh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump ayaa lacago Balaayiin dollar ah ka qaatay Sacuudiga
Dowladda Kirishtanka Mareykanka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay howlgallo raaf ah oo ciidamada ashahaadda ladirirka maamulka Ala Sacuud ay maalmo ka hor ka fuliyeen magaalada Riyadh.



Donald Trump oo ah hoggaamiyaha Mareykanka ayaa si diirran usoo dhoweeyay isbedelka ka dhacay wadanka Sacuudiga isagoona xukuumadda Aala Sacuud ku bogaadiyay ladagaallanka wax uu ugu yeeray Musuq Maasuqa.

Trump oo dhowr fariin ku qoray bartiisa Twitterka ayaa sheegay in uu kalsooni weyn ku qabo Salmaan Bin Cabdul Caziiz iyo wiilkiisa Maxamed kuwaas oo jeelasha udhaadhiciyay Tobaneeyo kamid ah amiirrada wadanka,ganacsato iyo Afar wasiir oo xukuumadda xilal ka hayay.



"Kalsooni weyn ayaan ku qabaa Boqor Salmaan iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Max’med Bin Salmaan, kuwaas go’aan adag ayay ka qaateen kuwa dhiigbaxa ku hayay wadankooda sanado badan” ayuu yiri Trump.

Hoggaamiyaha dowladda  Mareykanka ayaa muujiyay sida uu ula dhacsanyahay isbedelka ay ku dhaqaaqday Aala Sacuud islamarkaana ay ku xirirtay kumanaan kun oo kamid ah culimaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waana mashruuc hordhac u ah in wadanka lagu faafiyo calmaaniyadda diin la’aanta ah.

Dadka laxiray waxaa kamid ah maalqabeenka caanka ah ee Waliid Bin Dalaal iyo Bakar Bin Laden oo kamid ah ganacsatada waaweyn ee Sacuudiga, waxaana larumeysanyahay in tallaabadan ay tahay mid maamulku uu kula wareegayo hantida ganacsatada waaweyn.

Dacwad soo oogaha guud ee dowladda Sacuudiga ninka lagu magacaabo Sacuud Almucjib oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen edbinta wax uu ugu yeeray kuwa ahlu fasaadka ah "Wixii dhacay 4,November waxay ahaayeen wajigii ugu horreeyay ee lagula dagaalamayo Musuq Maasuqa” ayuu yiri Dacwad soo oogaha aala sacuud.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga waxay xaqiijiyay in lala wareegay dhammaan hantidii ay lahaayeen amiiradda iyo ganacsatada laxiray.

Max’med Bin Salmaan Dhaxal sugaha Aala Sacuud ayaa horay u sheegay in ay dagaal lageli doonaan wax uu ugu yeeray kuwa Makaroofanka u ah Xagjirnimada iyo Argagaxisada oo uu ula jeedo culimaa’udiinka dhulka xarameynka.

Sidoo kale Aala Sacuud ayaa dhistay Majmac ay sheegeen in ay ku faafreebayaan Axaadiithta Nabiga SCW, dhammaan tallaabooyinka waa wax ay ku raalli gelinayaan Trump iyo reergalbeedka.

Dagaalka ugu daran ayay dowladda Sacuudigu kujirtaa diinta islaamka iyadoo manaahijta waxbarashada ka saartay Aayadaha iyo axaadiithta muslimiinta ku boorinaya jihaadka iyo istish-haadka.

Related Items