Kumanaan Katirsan Ciidamada AMISOM Oo Bisha Soo Socota Bilaabaya in Ay isaga Baxaan Soomaaliya.

Wednesday November 08, 2017 - 07:46:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumanaan Katirsan Ciidamada AMISOM Oo Bisha Soo Socota Bilaabaya in Ay isaga Baxaan Soomaaliya.

    Taliska ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in markii ugu horraysay toban sanadood kadib ay kumanaan askari isaga baxayaan dalka kadib markii uu dhammaaday waqtigii loogu talagalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in markii ugu horraysay toban sanadood kadib ay kumanaan askari isaga baxayaan dalka kadib markii uu dhammaaday waqtigii loogu talagalay.



Francisco Madeira oo ah Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kumanaan katirsan ciidamada AMISOM ay Bisha December 2017 ay isaga huleeli doonaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in qorshahan qeyb ka yahay qaraarkii kasoo baxay Q.Midoobe ee Tirsigiisu ahaa 2372 kaasi oo amarayay in dhammaadka sanadda 2017 ciidamada AMISOM bilaabaan bixitaan aan dhameystirnayn.

Wakiilka AU ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ciidamo gaaraya 1500 oo askari ay bisha soo socota ka bixi doonaan Soomaaliya islamarkaana ay ciidamada AMISOM si tartiib tartiib ugaga bixi doonaan dalka sanadada soo socda wuxuuna carrabka ku dhuftay in ammaanka dalka ay ku wareejin doonaan Maleeshiyaadka DF-ka oo la ogyahay heerka ay tayadoodu gaarsiisantahay.



Francisco Madeira oo wariyaashu weydiiyeen waxa ka jira in ciidamo itoobiyaan hor leh ay soomaaliya soo galeen ayaa sheegay in aysan jirin wax ciidamo itoobiyaan ah oo xuduudda kasoo gudbay balse wuxuu yiri "waxaa jiri doona dhaq dhaqaaqyo saameyn doona dhammaan qeybaha AMISOM arrintaas yaysan shacabku ka argagaxin”.

Warka kasoo yeeray AMISOM ayaa imaanaya xilli isbuucii lasoo dhaafay warsaxaafadeed kasoo baxay ururka Midowga Afrika siyaaba kala duwan loo fasiray balse shirka Jaraa’id ayaa banaanka soo dhigay sida ciidamadan ugu fashilmeen duullaankooda soomaaliya.

Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in AMISOM iyo dowladda Federaalka ay ku fashilmeen duullaanka ay dalka kusoo qaadeen, AMISOM ayaa muddo 10 sanadood ah dagaal uga jirto soomaaliya kumana guuleysan muhiimaddii loo igmaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items