Jaamac Xassan Khaliif "Qodobadii Shirka Madaxtooyada Waxaan Ka Fahmay In Laga Adkaaday DF" [Dhageyso].

Wednesday November 08, 2017 - 07:41:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamac Xassan Khaliif "Qodobadii Shirka Madaxtooyada Waxaan Ka Fahmay In Laga Adkaaday DF" [Dhageyso].

    Siyaasiga Jaamac Xassan Khaliif oo u waramay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegay in maamul goboleedyadu ka adkaadeen DF ka maadaama uusan Farmaajo xallin khaldaadkii jiray sida:- in loo qaraab doontay Imaaraadka carabta oo dagaal qabow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Jaamac Xassan Khaliif oo u waramay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegay in maamul goboleedyadu ka adkaadeen DF ka maadaama uusan Farmaajo xallin khaldaadkii jiray sida:- in loo qaraab doontay Imaaraadka carabta oo dagaal qabow kula jirta Villa Soomaaliya.


Wuxuu sheegay in aanan shirka lagu daaweyn nabarradii jiray taas oo keeni karta in khilaafku uu sii laba kacleeyo. Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in qodobadii shirka lagu soo daray in lagu heshiiyay la dagaalanka argagixisada.

"Argagixisada micnaheedu waa muxamad, jaamac, faarax iyo cabdullaahi haddaad argagixiso ka maqasho adduunka, caalamka qofka aan muslimka ahayn argagixiso looma yaqaano” ayuu yiri’ Jaamac oo intaasi ku daray in DF ku ay isku mashquulineyso mashruuc ay Mareykanku leeyihiin.



Halkan ka dhageyso Wareysiga Jaamac MP3

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items