Axmed Ducaale Geelle Xaaf "Hal Milyan Oo Loogu Tala Galay Dhismaha Dekadda Hobyo Waan Isku Difaacay"!

Wednesday November 08, 2017 - 09:00:55 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Ducaale Geelle Xaaf "Hal Milyan Oo Loogu Tala Galay Dhismaha Dekadda Hobyo Waan Isku Difaacay"!

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Galmudug' ayaa markii ugu horraysay qirtay lacago malaayiin dollar ah oo uu lunsaday bilo ka hor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Galmudug' ayaa markii ugu horraysay qirtay lacago malaayiin dollar ah oo uu lunsaday bilo ka hor.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf  ayaa isaga oo xalay la hadlayay xubno ka tirsan Xildhibaannada iyo wasiirrada maamulka Galmudug wuxuu ka hadlay halkii ay ku dambeysay lacagtii loogu talo galay dhismaha Dekadad Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug taas oo maalmihii dambe lahadal hayay in la musuq maasuqay.

"Runtii lacagtii loogu tala galay dhismaha dekadda Hobyo ee halka Milyan aheyd waxa ay ku baxday difaaca dagaalkii nagula soo qaaday" ayuu yiri Xaaf oo umuuqday in uu qiranayo in lacagtaas isagu uu lunsaday.


Dad badan ayaa aaminsan iyo Hoggaamiye Xaaf uu ka shanqariyay waxyar oo kamid ah dhaqaalihii malaayiinka dollar ahaa ee maamulkiisu uu ka helay gudaha iyo dibadda

Xaaf ayaa xildhibaannadii iyo wasiirradii uu la hadlayay usheegay in uu haatan diyaar u yahay in uu jeebkiisa ka bixiyo lacagtaas si Dekada loogu dhiso , sidoo kale waxaa lays weydiinayaa halka ay ku dambeysay lacago malaayiin dollar ah oo dowladda imaaraatka Carabta ay abaalmarin usiiyay maamulka Galmudug kadib markii uu xiriirka ujaray dowladda Qadar uuna la saftay isbahaysiga Sacuudiga.

Xaaf ayaa kumanaan Maleeshiyaad ah ku xaraystay magaalada Cadaado xilligii uu khilaafka ba'an kala dhaxeeyay dowladda Federaalka waxaana larumeysanyahay in dagaalkii dhanka siyaasadda ee uu xilkiisa ku difaacday uu ku bixiyay lacago malaayiin dollar ah ugu dambeyntiina uu ka adkaaday Kheyre iyo Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items