Qarax Lagu Dhaawacay Sarkaal Oo Ka Dhacay Wadada Makka Ee Magaalada Muqdisho.

Wednesday November 08, 2017 - 11:21:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Lagu Dhaawacay Sarkaal Oo Ka Dhacay Wadada Makka Ee Magaalada Muqdisho.

    Jugta qarax xooggan ayaa maanta barqadii ka dhacay wadada Mashquulka badan ee Makka Al-mukarrama waxaana qaraxaas lala eegtay sarkaal sare oo katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore qarax Ka Dhacay Muqdisho
Jugta qarax xooggan ayaa maanta barqadii ka dhacay wadada Mashquulka badan ee Makka Al-mukarrama waxaana qaraxaas lala eegtay sarkaal sare oo katirsan dowladda Federaalka.


Qaraxa oo ka dhacay agagaarka xarunta Imigareeshinka ayaa sababay dhaawac halis ah oo soo gaaray Mas'uul katirsan wasaaradda caafimaadka DF-ka, ilo wareedyo ayaa sheegaya in sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Xiris uu si xun ugu dhaawacmay qaraxa.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhashay gudaha gaariga waxaana muuqata in u ahaa nuuca gaadiidka lagu dhejiyo, wadada Makka Almukarrama ee qaraxu ka dhacay ayaa ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyaa waxaana ku sugan ciidamo isugu jira soomaali iyo AMISOM.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda qaraxa lagu dhaawacmay sarkaalka magaciisa lagusoo gaabiyay Xirsi ee katirsan wasaaradda Caafimaadka.

28,October 2017 ayay aheyd markii qarax iyo weerar Mataana ah  lagu dilay ugu yaraan 70 qof oo ubadan saraakiil katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya uu ka dhacay Hotelka Naasa Hablood2 ee kaabiga ku haaya madaxtooyada Villa Somalia.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items