Majirtaa Caqiiddo Waddaniyadeed oo Jannada lagu galo? W/Q Warfaa Kheyrdoon.

Wednesday November 08, 2017 - 17:04:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Majirtaa Caqiiddo Waddaniyadeed oo Jannada lagu galo? W/Q Warfaa Kheyrdoon.

    Kadib markii uu 10 jirsaday dagaalka ay ciidamada AMISOM kaga jiraan Soomaaliya kuna fashilmeen iney qabsadaan dalka oo dhan, taa badalkeedana go'aansadeen in ay dib ugu laabtaan dalalkooda, ayaa waxaa madaxweyne Farmaajo soo wajahay culeys dhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii uu 10 jirsaday dagaalka ay ciidamada AMISOM kaga jiraan Soomaaliya kuna fashilmeen iney qabsadaan dalka oo dhan, taa badalkeedana go'aansadeen in ay dib ugu laabtaan dalalkooda, ayaa waxaa madaxweyne Farmaajo soo wajahay culeys dhanka ammaanka ah.


Shirkii ka dhacay madaxtooyada ee uu la qaatay madax goboleedyada waxa uu ku faahfaahiyay sababaha keenay fashilka ammaanka iyo iney ka adkaan waayaan Al-Shabaab, wuxuuna ka dhawaajiyay iney jirto caqiido la’aan dhanka ciidanka dowladda ah.

" Anigu waan iclaamiyay dagaal laakin dagaal dalku wuxuu ku jiray muddo 10 Sano ah, dagaalkaan waxaa loo daayay oo kaliya ciidamada qalabka sida oo geesiyiin ah iney wajahaan, iyagoonan dhaqaale badan heysan, mushaar fiican aanan la siinin, daryeel aan lahayn, uu saaran yahay cuna qabatayn dhanka hubka ah iyo tan ugu muhiimsan oo ah ineysan lahayn oo aan la siin Caqiido ay ku dhintaan, laakin waa geesiyiin marki ay xabbada maqlaan waa wajahayaan meesha ay xabadu ka socoto, laakin sida ay Shabaab Caqiido u leeyihiin ee u aaminsan yihiin haddey dhintaan iney Janno galaayaan annaga uma diyaarsanin umana diyaarin ciidankeena wadaniyad” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo intaasi ku daray in wax yaabaha keenay iney guuleysan waayaan ay taas qeyb ka tahay.



Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri: "Haddii uusan ciidanku Caqiido lahayn ama wuxuu u dhinto waxa weeye een een guushiisu waa fog tahay, waxaa loo baahan yahay inaan dhisano ciidamo isku dhaf ah , caqiidadooda aan badalno oo aan ka dhigno iney u dagaalaayaan dalkooda oo haddey dhintaanna Janno galaayaan, haddey wax dilaanna ay Janno galaayaan labadaba”.

Farmaajo Ma Sameyn Karaa Ciidan Caqiido Leh oo Jannada Galaya?.

(وَلَقَدْ بَعَثْنَا فِي كُلِّ أُمَّةٍ رَّسُولًا أَنِ اعْبُدُوا اللَّهَ وَاجْتَنِبُوا الطَّاغُوتَ فَمِنْهُم مَّنْ هَدَى اللَّهُ وَمِنْهُم مَّنْ حَقَّتْ عَلَيْهِ الضَّلَالَةُ فَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُكَذِّبِينَ) [النحل

Sida ay sheegeyso Aayadda kor ku xusan, Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu ummada walba usoo diray Rasuul Caqiido xambaarsan si ay dadku Allaah u caabudaan ugana fogaadaan Dhaaquudka oo ah shuruucda uu basharku degsado ama wax walba oo la caabudo Alle sokadii ama uu adoonku xadkooda dhaafsiiyo.

Tani waxay ka tarjuneysaa in uu Tawxiidku ina farayo inaan Allaah u sugno cibaado dhamaanteed dhanka kalana diidno wax isaga ka sokeeya oo la caabudo ama cibaado la siiyo sida mar kale ku cad Aayadda soo socota oo uu Allaah inagu oranayo: "qofkii ku kufriya ee iska diida Dhaaquut, Allaahna rumeeya wuxuu qabsaday guntin adag oo sugan.

قال الله تعالى: ﴿فَمَنْ يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِنْ بِاللَّهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَى لا انفِصَامَ لَهَا﴾[البقرة:

Sidoo kale nabiga csw ayaa waxa uu yiri:

"مَنْ قَالَ: لاَ إِلَهَ إِلاّ الله، وَكَفَرَ بِمَا يُعْبَدُ مِنْ دُونِ الله، حَرُمَ مَالُهُ وَدَمُهُ. وَحِسَابُهُ عَلَى الله – عز وجل)

Qofkii Tawxiidka ku dhawaaqa iskana diida waxa Alle sokadii la caabudayo, waa xaaraan maalkiisa iyo dhiigiisa… Haddaba dagaalka ka dhaxeeya DF iyo Al-Shabaab ayaa ah mid arrintan ku saleysan, waayo markii aad dhageysato madaxda iyo Afhayeenada Al-Shabaab waxay leeyihiin ma rabno in dalka lagu dhaqo sharci aan ahayn kan Allaah, dowladduna waxay qoratay dastuur loogu magac daray Qabyo qoraal!.

Iyadoo ay arrintu saa tahay ayay DF ku doodeysaa iney tahay muslim, laakin Allaah subxaanahu watacaalaa ayaa wuxuu leeyahay:

أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ يَزْعُمُونَ أَنَّهُمْ آمَنُوا بِمَا أُنزِلَ إِلَيْكَ وَمَا أُنزِلَ مِن قَبْلِكَ يُرِيدُونَ أَن يَتَحَاكَمُوا إِلَى الطَّاغُوتِ وَقَدْ أُمِرُوا أَن يَكْفُرُوا بِهِ وَيُرِيدُ الشَّيْطَانُ أَن يُضِلَّهُمْ ضَلَالًا بَعِيدًا

Allaah wuxuu oranayaa: "Bal ka warran Nabi Muxamadow kuwa sheeganaya iney rumeeyeen waxa laguugu soo dajiyay iyo waxa lagu dajiyay kuwii kaa horreeyay oo haddana ku xukuntamaya Dhaaquud, iyagoo la faray iney ku kufriyaan, wuxuuna doonayaa Sheydaanku inuu baadiyeeyo baadi fog”.

Haddaba arrintan ayaa waxay diideysaa in uu Madaxweynuhu ciidanka DF ka dhigo kuwa leh Caqiido lagu janna tagayo, maxaa yeelay ma jirto caqiido lagu janna tago oo aan tan Tawxiidka ahayn, waxaana horey u waayay Shiicada, Mushrikiinta iyo dad badan.

Waa Maxay Yoolka Ay U Dagaalamayaan Dhinacyada Soomaaliya Ku Hardamaya?


الَّذِينَ آمَنُوا يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ۖ وَالَّذِينَ كَفَرُوا يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ الطَّاغُوتِ فَقَاتِلُوا أَوْلِيَاءَ الشَّيْطَانِ ۖ إِنَّ كَيْدَ الشَّيْطَانِ كَانَ ضَعِيفًا

Soomaaliya waxaa ku dagaalamaya Amisom oo gacan ka heleysa DF iyo Al-Shabaab oo Allaah kadib gacan ka helaya shacabka, Allaahna wuxuu Qur’aanka inoogu sheegay in kuwa isaga rumeeyay ay u dagaalamayaan jidkiisa, kuwa gaaloobayna ay u dagaalamayaan jidka Dhaaquudka.

Allaah wuxuu sheegay in uu u gargaarayo kuwa jidkiisa ku dagaalamaya: وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ

وَلَيَنْصُرَنَّ اللَّهُ مَنْ يَنْصُرُهُ إِنَّ اللَّهَ لَقَوِيٌّ عَزِيزٌ الَّذِينَ إِنْ مَكَّنَّاهُمْ فِي الْأَرْضِ أَقَامُوا الصَّلاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ وَأَمَرُوا بِالْمَعْرُوفِ وَنَهَوْا عَنِ الْمُنْكَرِ وَلِلَّهِ عَاقِبَةُ الْأُمُورِ


Sida ku cad aayadan wuxuu Allaah u gargaarayaa kuwii u gargaara, astaamahoodana aayadda xigta ayaa lagu sii cadeeyay. Waa kuwa marka dhulka la makaniyo oogaya salaada, zakada bixinaya, wanaaga faraya xumahana reebaya.

Bal aqristow eeg, yaa Aayadan dhaqan galiyay Al-Shabaab iyo DF? Markii aad tagto dhulka ay Shabaabku ka taliyaan xilliyada Salaada waa la xiraa dhammaan goobaha ganacsiga oo si wanaagsan ayaana loo oogaa salaadaha, Zakada waa la bixiyaa oo waxaa maalka laga qaadaa dadka hodanka ah waxaana lagu celiyaa kuwa fuqarada ah, zino iyo music ma ogola, xuduuda waa ay oogaan, gabar qaawan iyo wiil food dheer arki meysid, isbaaro iyo dhacna kama jiro, maxkamadahooda waxaa looga soo cadaalad doontaa dhulka ay dowladda ka taliso sida ay sadax bilood ka hor qireen Wasiirka aminga Islow iyo taliyihii nabad sugidda Sambaloolshe. Haddaba dhulka ay dowladdu ka talisana waxaa ka jira intaas kasoo hor jeedkeeda, waxaana tusaale inoogu filan sida ay madaxda dowladda xabadka u galinayaan habraha ajnabiga ka ah, fisqiga hoteelada, kufsiga iyo Music-ga joogtada ah!.

Inaasi kadib Su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, madaxweyne Farmaajo ma waxa uu sugayaa ballan qaad ka duwan kan Allaah? Sababtoo ah Alle wuxuu yiri’ waxaan u gargaareynaa kuwa jidkeena ku dagaalamaya, Farmaajana wuxuu sheegay in ciidankiisu ku dagaalamayaan jidka wadaniyadda iyagoo waliba la socda Amisom!!.

Allaah waxa kale oo uu inoo sheegay in masiirka gaalada uu cadaab yahay walibana ay ku waarayaan, wuxuuna Allaah ku tilmaamay kuwa khalqiga ugu sharta badan, madaxweynuhuna wey amaanaan oo waxay ugu yeeraan walaalo iyo Nabad ilaalin!.

(إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ وَالْمُشْرِكِينَ فِي نَارِ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا أُولَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ)


Sidoo kale wuxuu Rabbi subxaanahu watacaalaa inoo sheegay in kuwa shisheeyaha la jaalka ah uu masiirkoodu yahay in Naarta gunteeda hoose la geeyo iyagoo aanan heleyn wax u gargaara:

إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الْأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَنْ تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا

Haddaba su’aasha kale ee in la isweydiiyo mudan ayaa waxay tahay, Madaxweyne Farmaajo ma wuxuu heystaa janno jeebka ugu jirta oo aanan tan Allaah ahayn, illeen kuwa shisheeyaha ku garabka ah wuxuu Allaah u yaboohay Naar e’? Halkee buu ka keenayaa Caqiidada cusub oo Jannada dalaq siineysa ninkii shisheeyaha ka garab dagaalama?.

Taa kasoo horjeedkeeda wuxuu Allaah subxaanahu watacaalaa inoo sheegay in qofkii ku dagaalama jidkiisa, uu kor iyo hoosba siinayo ajar weyn, hala dilo ama ha adkaado labadaba!

فَلْيُقَاتِلْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ الَّذِينَ يَشْرُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا بِالْآخِرَةِ ۚ وَمَن يُقَاتِلْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَيُقْتَلْ أَوْ يَغْلِبْ فَسَوْفَ نُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا


Dardaaran Ku Socda Ciidamada DF Ee Jannada Cusub Loo Allifayo?

Askarey dalkiinii waa la heystaa adinkana waa la idinku shaqeystaa, mushaarkiina waxaa bixiya shisheeye "waaba haddii aad joogto u heshaan” xabadda ayaa la isaga kiin dhigaa, qaarkiin waxaad waardiye u tihiin oo aad dartiis u dhimataan nin hotel ku jira oo iska raaxeysanaya, waxaas oo dhanna waa waxa idiin keenay in uu Farmaajo idinku tilmaamo kuwa aan Caqiido lahayn oo uu isagu hadda u sameynayo Caqiido cusub!.

Nabiga SCW waa ka digay casabiyadda iyo jaahiliyadda oo Naarta ayaa lagu galaa, soomaaliyeey haku kadsoomina oraahda kasoo baxaysa afafka calmaaniyiinta.

Nabiga csw wuxuu sheegay qofkii ku dagaalama Calan indho la’aan ah in uu ku dhimanayo jaahilyad:


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم "ليس منّا من دعا إلى عصبية، أو من قاتل من أجل عصبية، أو من مات من أجل عصبية" وفي حديث أخر قال صلى الله عليه وسلم محذراً من العصبية " دعوها فإنها منتنة.." رواه البخاري ومسلم.

قال تعالى: ﴿وَمَنْ كَانَ فِي هَذِهِ أَعْمَى فَهُوَ فِي الْآخِرَةِ أَعْمَى وَأَضَلُّ سَبِيلًا

Waxaan idin leeyahay haku dhimanina Jaahiliyad iyo wax kasii daran oo ah la socodka ciidan shisheeye oo aan asal ahaan idinku diin ahayn Allaah wuxuu yiri:

۞ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَىٰ أَوْلِيَاءَ ۘ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ

"Kuwa Xaqa Rumeeyow, ha ka yeelanina Yuhuud iyo Nasaaro Sokeeye, Qaarkood waa Sokeeyaha Qaarka (Kale) Ciddii sokeeye ka yeelata oo idinka Mid ah, wuxuue ka mid yahay Iyaga, Allaahna ma Hanuuniyo Qoomka Daalimiinta ah.”.

Haddaba intaas oo addillo ah oo aan soo guuriyay waaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in aysan ku kadsoomin oraahda baadilka ah ee kasoo baxaysa Farmaajo iyo Kheyre, kitaabka iyo sunnada lagasoo heli maayo Caqiiddo wadaniyadeed oo Janno lagu galo, waa in aan ka fogaanaa Casabiyadda jaahiliyadda ah.

Arrintan Farmaajo uu dadka ku sabsabanayo waa been qaawan sababtoo ah maleeshiyaadka ayuu ku khaldayaa in ay ka barbar dagaallamaan gaalo asal ah kadibna ay Jannada gelayaan!, goorma ayuu askariga Buurya qabka Yugaandheyska,Kenyaatiga ama Itoobiyaanka uu noqday Muslim?, mise gaaladii ayay Ahlu janno nooga dhigayaan?.

Wabillaahi Towfiiq

FG: Maqaalkan Wuxuu U Gaar Yahay Qoraha Kheyr-doon.

Email: [email protected]

Ku darso Facebook Warfaa Kheyrdoon

Related Items