Taliyaha Guutada Koowaad Ee Ciidanka Melleteriga DF-ka Oo isku day dil Ka Badbaaday Kadib Weerar Lagu Beegsaday.

Thursday November 09, 2017 - 09:29:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Guutada Koowaad Ee Ciidanka Melleteriga DF-ka Oo isku day dil Ka Badbaaday Kadib Weerar Lagu Beegsaday.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay mas'uul katirsan wasaaradda G/dhigga dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay mas'uul katirsan wasaaradda G/dhigga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe weerar dhabbagal ah u dhigay gaadiid uu la socday Taliyaha Guutada Koowaad ee ciidanka DF-ka ninka lagu magacaabo Col. Xuseen Yuusuf Tubaaka weyne.

Weerarka oo ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Basra iyo Degmada Balcad ayaa sababay dhimashada hal askari iyo dhaawac soo gaaray laba askari oo katirsan ilaalada gaarka ah ee Taliye Tubaaka weyne.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in si dirqi ah uu ku badbaaday taliyaha guutada Koowaad oo markii dambe loola cararay dhanka degmada Balcad.


Deegaanka Basra ee kala qeybiya gobollada Sh/dhexe iyo Sh/Hoose waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaallo u dhaxeeya Al Shabaab iyo AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items