Sarkaal Katirsanaa Wasaaradda Caafimaadka Oo Udhintay Dhaawac Kasoo Gaaray Qarax Ka Dhacay Makka Al-Mukarrama.

Thursday November 09, 2017 - 09:46:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Wasaaradda Caafimaadka Oo Udhintay Dhaawac Kasoo Gaaray Qarax Ka Dhacay Makka Al-Mukarrama.

    Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka magaalada Muqdisho waxaa dhaacwac u dhintay mas'uul katirsanaa wasaaradda caafimaadka DF-ka oo shalay ku dhaawacmay qarax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka magaalada Muqdisho waxaa dhaacwac u dhintay mas'uul katirsanaa wasaaradda caafimaadka DF-ka oo shalay ku dhaawacmay qarax.



Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Xirsi oo shalay dhaawac culus uu kasoo gaaray qarax gaarigiisa ku xirnaa xilli uu marayay wadada makka Al Mukarrama ayaa xalay ku dhintay mid kamida isbitaallada gobolka Banaadir.

Sarkaalka geeriyooday ayuu dhaawac culus kasoo gaaray qaarka hoose ee jirka waxaana la sheegay in ay ka go’een laba lugood iyo xubnaha taranka.

Mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Siyaad oo katirsanaa wasaaradda Caafimaadka waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items