Taliyihii Ciidanka ilaalada Waddooyinka DF-ka Oo Muqdisho Ku Geeriyooday.

Thursday November 09, 2017 - 09:56:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Ciidanka ilaalada Waddooyinka DF-ka Oo Muqdisho Ku Geeriyooday.

    Mid kamida Taliyaasha ciidamada DF-ka ayaa si lama filaan ah ugu geeriyooday gudaha xafiiskii uu ku shaqeynayay ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida Taliyaasha ciidamada DF-ka ayaa si lama filaan ah ugu geeriyooday gudaha xafiiskii uu ku shaqeynayay ee magaalada Muqdisho.

Jeneraal Cali Max’med Cali oo (Cali Shariif) ku magac dheeraa ahaana  taliyaha ciidamada Taraafikada ayaa saaka ku dhax dhintay xafiiskiisa sida ay sheegeen saraakiil katirsan Booliska.


Cali Shariif ayaa si caadi ah howshiisa shaqa watay maalmihii dambe waloow laba isbuuc ka hor uu kasoo laabtay wadanka India halkaas oo baaritaan caafimaad uu kusoo qaatay.

Taliyaha geeriyooday ayaa horay usoo noqday taliye ku xigeenka booliska gobolka Banaadir xilligii uu DF-ka Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.


Geerida taliyihii ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Banaadir ayaa imaanaysa xilli ammaan darro baahsan ay kajirto magaalada Muqdisho islamarkaana xilalkii ay hayeen laga qaaday taliyaashii Booliska iyo Nabad sugidda kadib weerar khasaara badan dhaliyay oo Bishii lasoo dhaafay ee October 2017 ka dhacay hotel Kaabiga ku haya Villa Somalia.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items