Sedax Katirsan Saraakiisha 'Nabad Sugidda' Oo Lagu Dilay Waqooyiga Muqdisho.

Thursday November 09, 2017 - 12:33:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Katirsan Saraakiisha 'Nabad Sugidda' Oo Lagu Dilay Waqooyiga Muqdisho.

    Qarax khasaara dhaliyay ayaa markale gudaha magaalada Muqdisho lagula beegsaday askar iyo saraakiil katirsan DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore qarax Ka Dhacay Muqdisho
Qarax khasaara dhaliyay ayaa markale gudaha magaalada Muqdisho lagula beegsaday askar iyo saraakiil katirsan DF-ka.


Maanta duhurkii ayaa jugta qarax xooggan laga maqlay degmada Huriwaa ee dhaca waqooyiga Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala helay saraakiil katirsan Sirdoonka dowladda Federaalka xilli ay ku socdaalayeen xaafadda Suuqa xoolaha sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ugu yaraan Sedax sarkaal ayaa qaraxa ku dhintay, saraakiisha labeegsaday ayaa xilligaas ka gudbay isgoyska SOS waxayna kusii jeedeen dhismaha warshadda Nacnaca ee xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaan.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid ay goobta soo gaareen qaraxa  kadib, sida ay sheegeen dad ku sugan Suuqa Xoolaha.

Xarakada Al Shabaab durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay faafisay idaacadda Andalus ee afka xarakada ku hadasha.
Shalay ayay aheyd markii qarax lagu mas'uul katirsan wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka dhacay wadada makka Almukarrama.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items