The Independent : Reer galbeedku markale fara gelin maku sameyn doonaan dalka Ciraaq?

Thursday June 12, 2014 - 15:10:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 1
  • Share via Social Media

    The Independent : Reer galbeedku markale fara gelin maku sameyn doonaan dalka Ciraaq?

    Mowduuca ay inta badan hadal hayaan Warbaahinta iyo Jaraa'idka caalamigaa h waa dhacdooyinka kasoo cusboonaaday dalka Ciraaq iyo la wareegitaanka xoogagga Mujaahidiinta Ciraaq ay la wareegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka Askar Mareykan ah
Mowduuca ay inta badan hadal hayaan Warbaahinta iyo Jaraa'idka caalamigaa h waa dhacdooyinka kasoo cusboonaaday dalka Ciraaq iyo la wareegitaanka xoogagga Mujaahidiinta Ciraaq ay la wareegeen. Maqaal uu ku qoray Jariidada The Independent ayaa qoraaga lagu magacaabo Patrik Cockburn waxa uu cinwaan uga dhigay "Fowdo ka taagan dalka Ciraaq”, wuxuuna qoraagu isweydiiyay haddii reer galbeedku uu markale fara gelin ku sameyn doono dalka Ciraaq kadib la wareegitaankii Mujaahidiinta ay la wareegeen dhul ballaaran oo ku teedsan soohdinta ay wadaagaan Ciraaq iyo Suuriya.

Patrik Cockburn wuxuu sheegay in ku dhicitaanka magaalada Muusil ee gacanta "islaamiyiinta xagjirka ah” ay tahay dharbaaxo xanuun badan oo la gaarsiiyay Xukuumadda Shiicada ee Nuuri Maaliki, taas oo sida qoraagu sheegay Ciidankeeda ay ka carareen inay wajahaan xoogagga islaamiga ah, iyagoo sidoo kale ka tagay hubkoodii iyo dareeskoodii Meliteri.



Wuxuu tilmaamay qoraagu in guulaha ay soo hooyeen Xoogagga Mujaahidiinta dalka Ciraaq inay keeni karto isbadal siyaasadeed oo ka dhaca gobolka Bariga dhexe, maxaa yeelay waxay reer galbeedku dareemayaan in islaamiyiin ku fikir ah Alqaacidda ay gacanta u gashay dhul ballaaran oo istaraatiiji ah oo kuyaalla Waqooyiga Ciraaq iyo Waqooyiga Suuriya, waxaana Mareykanku ay sheegeen inay taageerayaan dadaal walba oo gacanta Ciidamada Maamulka Shiicada ah dib loogu soo celinayo magaalooyinkii lagala wareegay.


Korneyl ka tirsan Ciidanka dalka Ciraaq waxa uu sheegay in xoogagga islaamiga ah ay hadda si buuxda u maamulayaan magaalada Muusil, isagoo hadalkiisa ku daray : ” Meliteriga iyo Booliiska waxay ka carareen saldhigyadooda, waxaana kadib la wareegay kooxo hubeysan”.


Xoogagga Mujaahidiinta ah ee magaalada Muusil la wareegay ayaa sidoo kale oodda ka qaaday inkabadan Kun Maxbuus oo ku xirnaa Jeelka ugu weyn ee kuyaalla Gobolka Neynawaa oo lagu magacaabo Baaduush, halkaas oo inta badan dadka ku xiran loo heystay dembiyo la xiriira waxa loogu yeero Argagixisnimo.


Bare Jaamaceed oo ku sugan magaalada Muusil ayaa yiri : "Magaalada waxay si buuxda gacanta ugu gashay Argagixisada, hadda qofkasta wuxuu doonayaa inuu cararo”, wuxuu kusii daray : ” waqti habeen bar ah ayaan joognaa, waxaan isu diyaarineynaa inaan baxsano, balse ma naqaanno meel aan afka saarno”.

Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka Shiicada ayaa ku tilmaamay xoogagga magaalada qabsaday inay ku dheereeyaan qaabka looga dagaallamo waddooyinka, isagoo ku sifeeyay kuwo xirfad sar leh oo saacado gudahood kula wareegaya saldhigyada waaweyn ee Ciidanka.

Billowga bur burka Gobolka Bariga dhexe

Jariidada The Times ee iyana kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa daabacday Maqaal ay qortay Saxafiyadda lagu magacaabo Catherine Philip, waxeyna ku tiri maqaalkeeda : isbuucyo kooban ka hor ayaa xogyaha qaramada Midoobey ee Suuriya Lakh-dar Al-Ibraahiimi waxa uu caalamka kaga digay inay iska indha tiraan tallaab laga qaado Nidaamka Suuriya ee Bashaar Al-Asad, isagoo xilligaas tilmaamay in haddii tallaab wax ku ool ah laga qaadi waayo Nidaamka Bashaar Al-Asad in taas ay horseedi karto in Mandiqadda bariga dhexe oo dhan isu badasho meel saldhig u ah waxa loogu yeero Aragixisada.

Xoogagga ISIS oo markii hore ka dagaallami jiray dalka Ciraaq ayaa sannadkii lasoo dhaafay ee 2013 waxay qeyb ka mid ah howlgalladooda u weeciyeen dhanka Suuriya, waxaana billowgii dagaalka ay gacan siiyeen qaar ka tirsan xoogagga kacdoon wadayaasha, hase yeeshee markii dambe waxaa qarxay dagaal lagu riiqmay oo dhexmaray xoogagga ISIS iyo qaar ka tirsan kooxaha ay isku fikirka dhawaayeen ee Ururka Alqaacidda xiriirka la leh.


Si kasta oo ay ahaataba waxaa dad badan isweydiinayaan su’aasha ah suurtagal ma tahay in reer galbeedku ay markale fara gelin Meliteri ku sameeyeen dalka Ciraaq, xilli inta badan gobollada waqooyi ee dalkaas ay gacanta u gashay xoogag islaamiyiin ah oo fikir ahaan u dhow Ururweynaha Alqaacidda?.



Related Items