Al Shabaab Oo la Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaanka Basra Ee Gobolka Sh/dhexe.

Friday November 10, 2017 - 14:51:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo la Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaanka Basra Ee Gobolka Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya deegaannada kala qeybiya gobollada Shabeelaha dhexe iyo Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo Kuwa DF-ka ay isaga baxeen deegaan istiraatiiji ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaannada kala qeybiya gobollada Shabeelaha dhexe iyo Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo Kuwa DF-ka ay isaga baxeen deegaan istiraatiiji ah.


Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Basra saacado kadib markii ay isaga baxeen ciidamo Huwan ah oo isbuucii lasoo dhaafay deegaankaasi duullaan ku qaaday.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay gudaha ugaleen Barsa iyagoona baaritaanno adag ka sameeye saldhigyadii ay isaga baxeen ciidamada huwanta ah.


Sarakiil Katirsan ciidamada Al Shabaab oo goob fagaare ah kala hadlay dadka deegaanka ayaa ugu baaqay in ay isdajiyaan islamarkaana uu dib usoo laaban doono maamulkii islaamiga ahaa ee deegaanka ka jiray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM ay maanta barqadii dib ugu gurteen degmada Balcad, dagaallo aad uculus ayay ciidamada huwanta ah lakulmeen maanta duhurkii waxaana weerarkaas lagu gubay laba gaari oo mid kamida ay wateen ciidamo Mareykan ah.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Jeneraal Caanood waxay qabsadeen deegaanka Basra balse kuma negaan oo waxay u adkeysan waayeen weerarada joogtada ah ee uga imaanayay xoogaga Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items