Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka Maamulka 'Puntland' Oo Gaalkacyo lagu dilay.

Saturday November 11, 2017 - 08:26:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka Maamulka 'Puntland' Oo Gaalkacyo lagu dilay.

    Rag bastoolado ku hubeysan ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dilay Sarkaal sare oo katirsan maamulka Puntland isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dilay Sarkaal sare oo katirsan maamulka Puntland isku magacaabay.

Wararka ka imaanaya waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in xoogag hubeysan ay xalay fiidkii dileen Sarkaal katirsanaa sirdoonka maamulka ‘Puntland’ ee loo yaqaan PIS.

Sarkaalka ladilay oo magaciisa lagusoo gaabiyay Rooble ayaa qaabilsanaa in uu indha shareerka ka mamnuuco haweenka muslimaadka ah ee ku dhaqan deegaankada uu kajiro maamulka ‘Puntland.

Rooble ayaa taariikh xun kulahaa ladagaallanka shacaa’irta islaamka sida isagoo xabsiyada kuguri jiray haweenka xirtay xijaabka sharciga ah islamarkaana caburin ku hayay madaarista diiniga ah ee kajira magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada hoos yimaad.


Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka gobolka Mudug uqaabilsan ‘Puntland’ oo ku aaddan dilka Rooble oo kamid ayaa saraakiisha Sirdoonka balse dadka shacabka ah u yaqaanaan Ashahaadda ladirir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items