Farmaajo "Siyaasiyiin Danleey Ah Ayaa Qaab Qabiil Shaki Uga Dhax Abuuraya Ciidamada Qaranka".

Saturday November 11, 2017 - 09:00:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo "Siyaasiyiin Danleey Ah Ayaa Qaab Qabiil Shaki Uga Dhax Abuuraya Ciidamada Qaranka".

    Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horraysay sheegay in dowladdiisu ay caqabad weyn kala kulmeyso siyaasiyiin qaab beeleed u abaabulan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horraysay sheegay in dowladdiisu ay caqabad weyn kala kulmeyso siyaasiyiin qaab beeleed u abaabulan.



Farmaajo oo ka qeyb galay kulan uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in guux beeleed uu kajiro magaalada Muqdisho arrinkaas oo caqabad ku noqday dowladdiisa.

Wuxuu sheegay in wax uu ugu yeeray siyaasiyiin Danleey ah kuwaas oo uu ku eedeeyay in qaab beeleed ay ukala furfurayaan maleeshiyaadka DF-ka ah wuxuuna yiri "Borobagaanada beenta ah ee shakiga lagu gelinayo ciidamadii qabalka sida ee laleeyahay halkaas qaraxbaa kujira, iyadoo la istimaalayo wax lagasoo gudbay oo qabyaalad ah waa wixii 20-kii sano ee lasoo dhaafay dalka burburiyay”.



Hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa ku cataabay in dowladdiisu aysan wax wadashaqeyn ah ka helin shacabka soomaaliyeed isagoo carabaabay in dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ay dowladdu kaligeed ku tahay marka lagasoo tago ciidamada shisheeye "Maxaa keenay in dalkaan uu muddo sana ah dagaal kujiro.. waxaan idiin sheegayaa caawa cilladda meesha taalla, xaaladda rasmiga ee jirta inbadan oo naga mid ah ma oga waxa dagaalka kujira oo kaliya waa dadka dowladda ah, shacabku dagaalka nagulama jiro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Farmaajo.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa ku cataabay in dowladdiisu ay ka sheeganayso siyaasiyiin mucaarad ah kuwaas oo Feyllaha uga dheggan isagoo ku sifeeyay danleey qaab beeleed wax umucaaradaya.

‘’Waxaan rabaa in aan idin sheego Arin sir ah wax yaabaha aad hadda arkeysaan Afar sanno ka hor wey soo jirteen, dowladdii tan ka horeysay markii la doortay iyada oo 6 bilood jirta ayaa leyla soo xiriiray oo leygu yiri dowladda ayaa la mucaaradayaa ee ka soo qeybgalay, waxaan ugu jawaabay dowladdan Lexbilood ayeey jirtaa'e maxaa lagu mucaaradayaa maa waqti la siiyo, kuwa maanta mucaaradaya dowladda qaarkood qeyb ayeey ka ahaayeen shaqsiyaadkii Afar sano ka hor xiriirka ila soo sameeyay" sidaas waxaa yiri Farmaajo.

Dadka indha indheeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in warka kasoo yeeray Madaxweynaha dowladda Federaalka uu banaanka soo dhigayo dhibaato dhanka siyaasadda ah oo uu dhax muquruunayo marka lagasoo tago fashilka dhanka amniga ah ee ku horgudban maamulka Villa Somalia.

Isbuuc ka hor ayuu Farmaajo sheegay in AMISOM iyo maleeshiyaadka Dowlada Federaalka aysan ka adkaan karin xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana ciidamadiisu aysan laheyn caqiiddo ay u dhintaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


 

Related Items