Taliya Katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka Oo Degmada Afgooye Lagu Dilay.

Saturday November 11, 2017 - 10:08:57 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliya Katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka Oo Degmada Afgooye Lagu Dilay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay mid kamida saraakiisha ugu sarraysa Nabad sugidda dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay mid kamida saraakiisha ugu sarraysa Nabad sugidda dowladda Federaalka.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka xoogag bastoolado ku hubeysan ayaa degmada Afgooye ku dilay mid kamida taliyayaasha laamaha Sirdoonka.

Xoogag hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ay dileen Col.Nuur Maxamed Cali oo ku magac dheeraa (Nuur Shinni) oo horay u ahaa taliye ku xigeenka Nabad sugidda degmada Wardhiigley hadana kamid ahaa saraakiisha sarsare ee Sirdoonka.

Raggii dilka geystay ayaa si nabad gelya ah uga dhaqaaqay goobta, wararka qaar ayaa sheegaya in ragga weerarka geystay ay horay usii qaateen dukumiintiyo iyo hub uu watay sarkaalka ladilay.


Ugaarsiga ka dhanka ah saraakiisha DF-ka ayaa kusii xoogeysanaya degmooyinka iyo deegaanka gobolka Banaadir, waxaana muuqata in dagaalka dhanka amniga ah looga adkaaday dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items