Jeneraal Caanood Oo Qiray in Al Shabaab Ay Qabsatay Deegaanka Basra Ee Gobolka Sh/dhexe.

Saturday November 11, 2017 - 13:20:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Caanood Oo Qiray in Al Shabaab Ay Qabsatay Deegaanka Basra Ee Gobolka Sh/dhexe.

    Taliska ciidanka dowladda Federaalka ayaa qiray in looga itaal roonaaday dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaanno kala qeybiya gobollada Shabeelaha dhex iyo Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka dowladda Federaalka ayaa qiray in looga itaal roonaaday dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaanno kala qeybiya gobollada Shabeelaha dhex iyo Sh/Hoose.

Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo ah Abaanduulaha Ciidanka DF-ka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadooda khasaara lixaad leh lagu gaarsiiyay dagaalkii Basra islamarkaana ay dib ugu gurteen dhanka Balcad.

Wuxuu sheegay in Basra iyo Baqdaad ay dagaallo culus kula galeen ciidamo katirsan Al Shabaab isagoo xaqiijiyay in tobaneeyo katirsan ciidanka Booliska looga dilay dagaallo ka dhacay deegaanka Basra.

Caanood oo uqiil sameynayay guul darradii ciidamadooda kasoo gaartay dagaalka ayaa yiri "Ciidamada dowladda qorshahoodu ma aheyn in ay degaan deegaanka Basra oo ah meel iska baadiya ah”!.


Abaanduulaha ciidanka melleteriga DF-ka ayaa carrab dhabay in dagaalladii shalay ka dhacay duleedka Balcad ay kala qeyb qaateen ciidamo caddaan ah oo adeegsanayay gaadiid gaashaaman iyo diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha laheyn.

Ilo wareedyo madax banaan ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 9 askari oo Melleteriga katirsan lagu dilay weerar gaadma ah oo Al Shabaab ka fuliyeen duleedka degmada Balcad islamarkaana lagubay laba gaari.

Haweenay Taliye ciidan ah oo katirsaneed ciidamada Melletiga ayuu dhaawac culus kasoo gaaray dagaalkii shalay, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xoogaga Al Shabaab ay gacanta ku hayaan deegaanadii lagu dagaallamay oo uu kamid yanay deegaanka Basra.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items