Sawirro: Dad Shacab Ah Oo Ku Dhintay Duqeyn Diyaaradaha Mareykanka Ay Ka Geysteen Deegaan Katirsan Sh/Hoose.

Sunday November 12, 2017 - 11:36:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dad Shacab Ah Oo Ku Dhintay Duqeyn Diyaaradaha Mareykanka Ay Ka Geysteen Deegaan Katirsan Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay geysatay diyaarad Drone ah ay ku dhinteen dad shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay geysatay diyaarad Drone ah ay ku dhinteen dad shacab ah.

Xalay Fiidkii ayaa jug culus laga maqlay dhul beereedka dhanka Koonfur Bari uga beegan deegaanka Daaruslaam.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan sedax qof shacab ah ku dhinteen duqeynta oo ay fulisay diyaarad aan duuliye laheyn nuuca loo yaqaan Drone-ka.

Dadka ladilay ayaa xilligii ay duqeyntu dhacaysay waxay ku mashquulsanaayeen waraabinta beer ku dhow Daaruslaam, Meydadka shacabka Rayidka ah ayaa saaka lagasoo aruuriyay dhul beereedka duqeyntu ka dhacday.


Wariye booqday goobta weerarka bahalnimo ka dhacay ayaa soo sheegay in indhihiisa uu kusoo arkay wax laga argagaxo, sawirro goobta lagasoo qaaday ayaa muujinayay Meydadka dad beeralay ah oo gudaha beerta dhax yaal iyaga iyo qalabkii ay beerta ku tacbanayeen.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in goobta duqeyntu ka dhacday aysan aheyn tuulo ama degmo ay kuyaallaan saldhigyo ciidan waana dhul beereed ku teedsan wabiga Jiinkiisa.

Dowladda  Mareykanka ayaa sare uqaadday xasuuqa ay ku heyso shacabka Soomaalida tan iyo markii uu xilka madaxtinimo qabtay Donald Trump iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo maleeshiyaadka calooshood u shaqeysatayaasha Bangaraafta loo yaqaan, bilo ka hor ayay aheyd markii 11 qof ah ay ciidamada Mareykanku ku xasuuqeen deegaanka Bariire.













Related Items