Xasan Jaciir Oo Kamid Ahaa Odayaashii Soo Xulay Qaar Katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo Muqdisho Lagu dilay.

Sunday November 12, 2017 - 18:53:25 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Jaciir Oo Kamid Ahaa Odayaashii Soo Xulay Qaar Katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo Muqdisho Lagu dilay.

    Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah dhammaan Ergadii iyo odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay fadhiyadii lagusoo xulayay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ee ka dhacay gobollada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah dhammaan Ergadii iyo odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay fadhiyadii lagusoo xulayay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ee ka dhacay gobollada dalka.



Wararka ka imaanaya Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay gudaha suuqa ku dileen mid kamida Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka, Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Xasan Jaciir.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xasan Jaciir oo ahaa Oday dhaqameed uu sanaddii lasoo dhaafay magaalada Jowhar uga qeyb galayay fadhiyadii lagusoo xulayay xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee lagasoo doortay dhanka maamulka isku magacaabay 'HirShabelle' kaasi oo kajira gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.



Sidoo kale Xasan Jaciir ayaa mudooyinkii dambe ku howlanaa diyaarinta rag ilaalo u noqda  haweenay  xildhibaanad  ah oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka taasi oo lagu magacaabo Qamar Faarax Dhaga weyne oo ah xildhibaanaddii uu isaga soo xulay.


Nabadoon Xasan Jaciir ayaa deegaannada uu kasoo jeedo kasoo tashkiilin jiray dhalinyaro isagoo dhowr mar ku biiriyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay Xasan Jaciir sida ay faafisay warbaahinta Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items