Mu'asasada Al-Kataa'ib Oo Baahin Doonta Filim Cajiib Ah (Dhageyso Goos-Gooska Filimmka)

Sunday November 12, 2017 - 19:31:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mu'asasada Al-Kataa'ib Oo Baahin Doonta Filim Cajiib Ah (Dhageyso Goos-Gooska Filimmka)

    Mu'asasada Al-Kataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahin doonta filim cajiib ah oo soo bandhigaya dagaal malxamad ah oo cagta lagu marinayo mid ka mid ah Xeryaha ciidamada DFS ee koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-Kataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahin doonta filim cajiib ah oo soo bandhigaya dagaal malxamad ah oo cagta lagu marinayo mid ka mid ah Xeryaha ciidamada DFS ee koonfurta Soomaaliya.


Idaacadda Islaamiga Andalus ee ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duhurnimadii maanta laga sii daayey Goos-Goos kooban oo lagu xayeysiinayo Filimka soo socda.

Idaacadu waxay sheegtay in Filimku uu soo bandhigi doono "Dagaal Malxamad ah” iyo Duullaan ballaaran oo lagu beegsanayo mid ka mid ah saldhigyada maleeshiyaatka DFS.

Lama sheegin halka uu dhacay dagaalka lagu soo bandhigi doono filimka Laakiin ilo wareedyo ayaa SomaliMeMo u sheegay in Filimka lagu soo gudbin doono mid ka mid ah weeraradii ugu dambeeyey ee lagu xasuuqay maleeshiyaatka DFS ee ka dhacay koonfurta Soomaaliya.


"Filimku wuxuu soo bandhigayaa dagaal culus oo aan waxba la isku reeban, wuxuuna soo bandhigayaa meydadka maleeshiyaatka iyo iyagoo ka sii firxanaya xerada" ilo wareed ayaa sidaas u sheegay Shabakada SomaliMeMo.

Waxaa la filayaa in filimka si rasmi ah loo faafiyo gelinka dambe ee maalinta berito sida ay noo sheegeen ilo wareedyada.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey cagta mariysay ku dhawaad 6 ka mid ah xeryaha maleeshiayatka DFS ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Related Items