Boqolaal Qof Oo Ka Dhintay Dhul Gariir Ka Dhacay Xuduudda Ay Wadaagaan iiraan iyo Ciraaq.

Monday November 13, 2017 - 10:14:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Boqolaal Qof Oo Ka Dhintay Dhul Gariir Ka Dhacay Xuduudda Ay Wadaagaan iiraan iyo Ciraaq.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dhul gariir aad u xooggan oo ka dhacay xuduudda ay wadaagaan wadamada Ciraaq iyo Iiraan ee qaaradda Asia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dhul gariir aad u xooggan oo ka dhacay xuduudda ay wadaagaan wadamada Ciraaq iyo Iiraan ee qaaradda Asia.

Wararka ka imaanaya iiraan ayaa sheegaya in dad ka badan 230 qof ay ku dhinteen dhul gariirka halka 1,700 oo qof ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Saraakiisha xukuumadda Shiicada Iiraan ayaa warbaahinta u sheegay in dhul gariirku uu ku dhuftay magaalo 15KM ujirta xuduudda ay wadaagaan Ciraaq iyo Iiraan, dadka dhintay 6 qof oo kamid ah waxay ku dhinteen gudaha Ciraaq oo dhul gariirku uu saameeyay.

Malaayiin qof oo ku sugan magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq ayuu dhul gariirku saameeyay waxaana la arkayay dadka oo kasii firxanaya dhismayaasha dabaqyada ah.


Telefeshinka xukuumadda Iiraan ayaa soo bandhigay dad dhaawacyo ah oo ku hoos xaniban burburka guryaha dumay hoostooda.
تضرر الآلاف في إيران جراء الزلزال
سكان بغداد شعروا بالزلزال

Related Items