Ciidamada 'Xasilinta' Oo Lagu Qarxiyay Meel Ku Dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Monday November 13, 2017 - 10:55:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada 'Xasilinta' Oo Lagu Qarxiyay Meel Ku Dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

    Qarax xoogan ayaa ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho,iyadoona warar hordhac ah laga helayo qaraxaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax xoogan ayaa ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho,iyadoona warar hordhac ah laga helayo qaraxaasi.


Qaraxan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan DFS gaar ahaan kuwa isku magacaabay Xasilinta Caasimadda.

Miinada ayaa lagu aasay goob maalin walbo ay isugu yimaadaan maleeshiyaadka Xasalinta waxeyna goob joogayaal xaqiijiyeen in xilligii qaraxu dhacayay ay ciidamada Xasilinta ay goobta ku sugnaayeen.

Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay ciidamada dowlada, waxaana mas'uuliyadda qaraxan  sheegtay Xarakada Al Shabaab.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Taliska  AMISOM ay shaaciyeen in Bandow ay kusoo rogeen xarunta ugu weyn taliskooda ee xerada Xalane oo ku dhex taala garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib markii ay soo wajahday cabsi ku aadan weeraro kaga yimaada dhanka Xarakada Al Shabaab.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items