Hoggaamiyaha 'HirShabelle' Oo Digniin Kasoo Saaray Dagaallada Uu Jeneraal Caanood Ka Wado Duleedka Degmada Balcad.

Monday November 13, 2017 - 12:29:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha 'HirShabelle' Oo Digniin Kasoo Saaray Dagaallada Uu Jeneraal Caanood Ka Wado Duleedka Degmada Balcad.

    inkastoo Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka uu sheegay in heshiis buuxa uu lagaaray hoggaamiyaasha maamul goboleedyada hadane waxaa soo ifbaxay war kaas ka duwan oo ah khilaaf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

inkastoo Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka uu sheegay in heshiis buuxa uu lagaaray hoggaamiyaasha maamul goboleedyada hadane waxaa soo ifbaxay war kaas ka duwan oo ah khilaaf.

Max’med Cabdi Waare oo ah hoggaamiyaha maamulka ‘HirShabelle’ ayaa markale ka dhawaajiyay khilaaf u dhaxeeya maamulkiisa iyo DF-ka,
Waare oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in maamulkiisu walaac ka muujinayo dagaallo ka dhacay deegaanno hoos yimaad degmada Balcad ee Sh/dhexe.

Dagaalladaas ayuu ku tilmaamay kuwa dhib badan keeni doona isagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay in aanay maamulkiisa kusoo wargelin dagaallada.


"dagaalku wuxuu u baahan yahay wadatashi iyo in hal fikir laga wada qaato, sidda ay hadda dagaalladu ku socdaan gaar ahaan deegaanka Basra runtii Annaga ka maamul ahaan waxaan ka qabnaa walwal aad u weyn, waxaanan jeclaan laheyn in tallada dib loogu noqdo, ayuu yiri’’ ayuu yiri Hoggaamiyaha Hirshabeelle.

Max’med Cabdi Waare ayaan qarsan walwalka iyo shakiga ay ka qabaan dagaallada ay ciidamada gaarka ah ee ilaalada madaxtooyada ka wadaan deegaanada Basra iyo Jambaluul wuxuuna ka digay in gadaalladaasi sii socdaan "qaabka dagaalkaasu uga socdo deegaanka Basra Bi saraaxah anagu waxaan ka qabnaa welwel aad u fara badan waxaana jeclaan lahaa in talada dib loogu noqddo oo lawada tashado, haddaan wixii jira la wadaagin dhibaatooyin farabadan ayay keeni doontaa runtii aad baan uga xumahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Waare.

Warkan kasoo yeeray hoggaamiyaha maamulka ‘HirShabelle’ ayaa si toos ah ugu socda Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo ay isku dhowyihiin Farmaajo kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay Boqolaal Maleeshiyaad ah iyo ciidamo Mareykan ah ku Hoggaamiyay deegaanno galbeedka uga beegan degmada Balcad waloow markii dambe Al Shabaab ay dib ula wareegtay deegaanka Basra.

Dadka indha indheeya siyaasadda DF-ka ayaa sheegaya in ujeedka laga leeyahay dagaallada ka socda duleedka Balcad uu yahay in DF-ka awoodeeda ku fidiso Sh/dhexe si loo daciifiyo maamulka kajira magaalada Jowhar tallaabadaas oo durbadiiba ka qeylisiisay Waare.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items