Daawo: Dhimashada Dhul Gariirkii Ka Dhacay Dalka iiraan Oo Gaartay 440 Qof iyo Kumanaan Dhaawac Ah.

Tuesday November 14, 2017 - 13:20:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Dhimashada Dhul Gariirkii Ka Dhacay Dalka iiraan Oo Gaartay 440 Qof iyo Kumanaan Dhaawac Ah.

    Maamulayaasha wadanka iiraan ayaa ku dhawaaqay in uu sare ukacay khasaaraha ka dhashay dhul gariir aad u xooganaa oo shalay ku dhuftay gobol katirsan wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulayaasha wadanka iiraan ayaa ku dhawaaqay in uu sare ukacay khasaaraha ka dhashay dhul gariir aad u xooganaa oo shalay ku dhuftay gobol katirsan wadankaasi.

Telefeshinka rasmiga ah ee afka xukuumadda ku hadla ayaa xalay sheegay in lasoo gaba gabeeyay ololihii loogu gurmanayay dadka ku waxyeeloobay dhul garirka.

Dhimashada ayaa sii caga cagaynaysa 433 qof halka dhaawacu uu gaaray 7,000 (Todobo kun oo qof), saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in khasaaraha dhimashadu uu sii kordhi karo sababa laxiriira dhaawacyada qaar oo xaaladooda caafimaad ay aad uliidato.



Gobolka Karaman-shah oo ah halka uu dhul gariirku ka dhacay ayaa la sheegay in 70% degmooyinka iyo magaalooyinka kuyaal ay gilgisheen taas oo keentay in khasaraahu sii xoogeysto.

Boqolaal kun oo qoys ayaa xalay banaanada ku baryay sababa la xiriira cabsi laga qabo in markale dhul gariir ku dhufto, guddiga gurmadka degdegga ah ayaa ugu baaqay dhammaan hay’adaha dowladda in ay gurmadka gaarsiiyaan tuulooyinka waxaana jira dad wali ku xaniban burburka guryaha hoostooda.

Dhul gariirkan oo cabirkiisu ahaa 7.3 oo ah Rihtarka dhul gariirada lagu cabiro ayaa ka dhacay xuduud beenaadka ay wadaagaan Ciraaq iyo Iiraan.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items