Al Shabaab "5 Sarkaal Mareykan Ah Ayaa Ku Dhintay Weerar istish-haadi Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho".

Tuesday November 14, 2017 - 16:14:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab "5 Sarkaal Mareykan Ah Ayaa Ku Dhintay Weerar istish-haadi Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho".

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir cusub goobta uu ka dhacay weerarkii KM13
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Weerarka oo lala beegsaday Kolonyo ciidamo AMISOM ah oo gelbinayay saraakiil Mareykanka ayaa ka dhacay deegaanka KM13.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in weerarka lagu dilay 5 sarkaal Mareykan ah oo gaarigii ay la socdeen lala helay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay istish-haadi sida ay faafisay idaacadda Andalus.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay xireen ciidamo Soomaali iyo AMISOM ah kadibna Meydad iyo dhaawacyo ayaa loo qaaday dhanka xerada Xalane oo saldhig u ah ciidamada AMISOM.


Illaa iyo wax war ah kamasoo bixin Taliska Ciidanka Mareykanka AFRICOM iyo AMISOM oo ku aaddan khasaaraha kasoo gaaray qaraxii maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items