Saldhigyada Ciidamada Itoobiya Ee Degmada Xudur Oo Weerar Culus la Kulmay.

Wednesday November 15, 2017 - 10:03:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyada Ciidamada Itoobiya Ee Degmada Xudur Oo Weerar Culus la Kulmay.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay degmo katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay degmo katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Bakool ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay dagaallo culus ka dhaceen gudaha degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga  Al Shabaab ay weerar safballaaran ah ku qaadeen laba saldhig oo ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka DF-ka ay ku leeyihiin gudaha degmada Xudur.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, wariye ku sugan gobollada Bay iyo Bakool ayaa soo sheegay in khasaara xooggan uu ciidamada Itoobiya kasoo gaaray weerarka.


Dad ku sugan duleedka degmada Xudur ayaa warbaahinta u sheegay in sheedda sare ay ka arkayeen holac ka dhashay teendhooyinka ciidanka Itoobiya oo gubanaya.

Weerarka lagu qaaday saldhigyada Xabashida ee Xudur ayaa dhacay xilli ciidamadu ay kala daadsanaayeen oo ay ahaayeen kuwa hurdaya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items