Reuters:Melleteriga Ayaa Talada Zimbabwe la Wareegay wuxuuna Yiri Madaxweyne Mugambe Waa Nabad Qabaa.

Wednesday November 15, 2017 - 11:28:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reuters:Melleteriga Ayaa Talada Zimbabwe la Wareegay wuxuuna Yiri Madaxweyne Mugambe Waa Nabad Qabaa.

    Hubanti la'aan ayaa wali ka taagan wadanka Zimbabwe ee dhaca qaaradda Afrika kadib markii melleterigu ay qabsadeen xarumaha ugu muhiimsan ee xukuumadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hubanti la'aan ayaa wali ka taagan wadanka Zimbabwe ee dhaca qaaradda Afrika kadib markii melleterigu ay qabsadeen xarumaha ugu muhiimsan ee xukuumadda.

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Harare ayaa sheegaya in rasaas iyo qaraxyo xooggan laga maqlay xarumo dowladeed waloow aan la ogeyn waxa sababay rasaasta iyo qaraxyada.

Warbaahinta aduunka ayaa sheegaysa inqilaab melleteri oo saacado badan qaatay uu wadanka ka socdo balse si dhab ah looma sheegin in xilka laga tuuray Madaxweyne Ropert Mugabi iyo inkale.

Ciidamo melleteri ah oo ku qalabaysan gaadiidka gaashaaman ayaa la wareegay xarunta Raadiyaha iyo Telefeshinka Qaranka ee lagu magacaabo ZBC.


Taliyaha ugu sarreeya ciidanka melleteriga Zimbabwe Jeneraal Constantino Chiwenga ayaa sheegay in ay talada wadanka la wareegeen sida ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters.


Khilaafka u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Xisbiga Zanu-PF ee Mugabi uu hoggaamiyo ayaa xoogeystay kadib markii la casilay madaxweyne ku xigeenkii wadanka tallaabadaas oo lagu macneeyay in Mugabe uu xaaskiisa u diyaarinayo in ay talada wadanka ka dhaxasho.

Jeneraal Constantino Chiwenga wuxuu beeniyay in ay inqilaab sameeyeen balse wuxuu qiray in ay wadaan olole ay kula dagaalamayaan wax uu ugu yeeray Mujrimiin.

Isxaaq Maayo oo ah Safiirka dowladda Zimbabwe u fadhiya wadanka Koonfur Afrika ayaa beeniyay in inqilaab uu ka socdo wadanka wuxuuna sheegay in ciidamadu ay wadaan howlgallo caadi ah, Madaxweynaha 93 sana jirka ah ayaa talada wadankaasi qabsaday 1987 waana madaxweynaha ugu da'da weyn caalamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items