Danjire Matthew Rycroft: Wax Xiriir Ah Kama Dhaxeeyo Al Shabaab iyo Dowladda Ereteria.

Wednesday November 15, 2017 - 18:26:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire Matthew Rycroft: Wax Xiriir Ah Kama Dhaxeeyo Al Shabaab iyo Dowladda Ereteria.

    War kasoo baxay guddiga cunaqabateynta hubka uqaabilsan Q.Midoobe wadamada Ereteria iyo Soomaaliya ayaa lagu sheegay in islaamiyiinta Somalia aysan wax hub ah ka helin Asmara.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay guddiga cunaqabateynta hubka uqaabilsan Q.Midoobe wadamada Ereteria iyo Soomaaliya ayaa lagu sheegay in islaamiyiinta Somalia aysan wax hub ah ka helin Asmara.

Warbixintan ayaa muujinaysa in dowladda Ereteria aysan wax hub ah siin xarakada Al Shabaab, Ergayga dowladda Ingiriiska ufadhiya xarunta Q.Midoobe ayaa codsaday in cuna qabateynta laga qaado xukuumadda Asmara.

Matthew Rycroft ayaa sheegay in dhammaan baaritaannadii la sameeyay lagu ogaaday in wax xiriir ah aysan ka dhaxeyn Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ka dagaallanta Soomaaliya iyo dowladda Ereteria.

"Lix bilood ka hore golaha ammaanka ayaa ku kala qeybsamay in cunaqabateynta laga qaado Ereteria hadda waxaa la rajeynayaa in xayiraaddaas laqaado maadaama la ogaaday in Eererteria aysan wax hub ah siin Kooxda Al Shabaab ee Somalia ka dagaallanataā€¯ sidaas waxaa yiri Matthew Rycroft oo ah Ergayga Britain uqaabilsan Q.Midoobe.


Guddiga dabagalka cuna qabateynta Hubka ee Ereteria iyo Somalia ayaa sheegay in aysan jirin wax muujinaya in Al Shabaab ay hub ka hesho Asmara waxayna ubadantahay in Ereteria cunaqabateyntaas laga qaadi doono waqti aan dheerayn.

Dhinaca kale Xubanaha Q.Midoobe ayaa markale ku guul darreystay in xayiraadda dhanka hubka ah laga qaado Soomaaliya, fadhi ay goluhu ku yeesheen magaalada New York ayay ku diideen in Soomaaliya cuna qabateynta dhanka hubka laga qaado.

Tallaabadan ayaa dhabar jab ku ah Hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo tabar darida heysata ciidankooda usababeeya xayiradda hubka ee dalka saaran muddo ka badan 20 sanadood.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items