Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Baraawe Xilli Uu Booqanayay R/wasaare Kheyre.

Wednesday November 15, 2017 - 14:09:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Baraawe Xilli Uu Booqanayay R/wasaare Kheyre.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday goob uu ku sugnaa Mas'uul sare oo katirsan DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday goob uu ku sugnaa Mas'uul sare oo katirsan DF-ka.

Weerar loo adeegsaday madaafiic ayaa la sheegay in lagu qaaday garoonka macmalka degmada Baraawe oo xilligaas uu kasoo degayay Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha DF-ka.

Goob Joogayaal ku sugan Baraawe ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo ka dhashay madaafiicda lagu garaacay garoonka.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa weerar fool ka fool ah ku qaaday saldhigga ciidamada AMISOM uga suganyihiin deegaanka Ambareeso oo duleedka Baraawe.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarada lagasoo sheegayo magaalada xeebta leh ee Baraawe oo gacanta ciidamada AMISOM gashay sanaddii 2014.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items