11 Ruux Oo Ku geeriyooday Burbur Diyaaradeed Oo Ka dhacay Tanzaniya.

Thursday November 16, 2017 - 10:49:15 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    11 Ruux Oo Ku geeriyooday Burbur Diyaaradeed Oo Ka dhacay Tanzaniya.

    Diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo ka ambabaxday dalka Tanzaaniya kuna sii jeeday Koonfur Africa ayaa ku burburtay hawada, taas oo sababtay dhimashada dhamaan dadkii saarnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo ka ambabaxday dalka Tanzaaniya kuna sii jeeday Koonfur Africa ayaa ku burburtay hawada, taas oo sababtay dhimashada dhamaan dadkii saarnaa.


Shirkadda Costal Affeshion oo iska leh diyaaradda burbrutay ayaa bayaan ay soo saartay waxay xaqiijisay in diyaaradu ay burburtay iyadoo mareysa wuqooyiga Tanzaaniya gaar ahaan deegaan lagu magacabo Imbaaki.

Ugu yaraan 11 Ruux ayaa geeriyootay oo uu ku jiro duuliyaha Diyaaradda, waxaana Shirkadu sheegtay inay aad uga xuntahay arintan, ayna wado baaritaanno la xiriira sababta keentay burburka.

Magacyada dadka ku dhintay ma aysan sheegin Shirkadda, waxaana ay shaacin doontaa marka ay gaarsiiso ehellada dadka dhintay kadib.

Related Items