Maryan Qaasim "Duruuftan isbarbar yaaca Ah Waa igu adkaatay in Aan Ku Shaqeeyo".

Thursday November 16, 2017 - 11:52:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maryan Qaasim "Duruuftan isbarbar yaaca Ah Waa igu adkaatay in Aan Ku Shaqeeyo".

    Wasiiraddii xilka iska casishay shalay ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay sababta ay uga tagtay xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo ay la shaqeyn jirtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DRS Maryam ayaa xilkii ay heysay iska casishay
Wasiiraddii xilka iska casishay shalay ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay sababta ay uga tagtay xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo ay la shaqeyn jirtay.

Maryam Qaasim oo aheyd Wasiiraddii wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Aafooyinka DF-ka ayaa sheegtay in isbarbar yaac iyo nidaam darro ay ka dhax jirto wasaaradahaha xukuumadda Kheyre ay shaqada uga tagtay.

waxay sheegtay in duruufo qallafsan ay caqabad ku noqdeen shaqadeedii iyadoo dhaliishay hanaanka maamul ee dowladda Federaalka ku shaqeyso.

"hadda waxaan uga tagay xilkii aan hayay waxaa igu adkaatay duruufta shaq ee ka dhaxjira xukuumadda ,aniga depertment ama wasaarad dhisan waan ka shaqeyn karaa laakin shaqadu marka ay isbabar yaac tahay oo waxba kala baxsanayn wareer badan baa laga qaadayaa mana la shaqeyn karoā€¯ayay tiri Maryam Qaasim.


Tani waaa fadeexad hor leh oo usoo gashay Farmaajo iyo Kheyre oo 9 bilood ka hor ku faani jiray in ay dowladda Federaalka u horseedi doonaan maamul wanaag,hufnaan iyo nidaam tayaysan balse ballan qaadayadaasi ayaa noqday kuwa waxba kama jiraan ah.

Musuq Maasuqa iyo xadidda hantida dadweynaha ayaa wali kasii socota xarumaha DF-ka ee magaalada Muqdisho waxaana muuqata in waxba aysan isbedelin tan iyo markii uu Farmaajo madaxweyne noqday.

Wasiirkii G/dhigga iyo taliyihii ciidanka melleteriga ayaa bil ka hor iscasilay illaa iyo haddana lama sheegin duruufaha ay shaqada uga tageen balse saraakiil dowladda Katirsan ayaa sheegaya in lalunsaday lacago malaayiin dollar ah oo loogu talagalay in mushaaraad looga dhigo ciidamada.

Wasiirrada DF-ka oo intooda badan ah Qurba joog ayaa lacagaha ay ka helaan waxa loogu yeero beesha caalamka waxay udiraan wadamadii ay kasoo shaqa tageen taas oo ragaadisay shaqadii ay hayeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items