ZIMBABWE: Robert Mugabe Oo Xabsi Guri Lagusoo Rogay iyo Malleteriga Oo Talada Si Buuxda Ula Wareegay.

Thursday November 16, 2017 - 12:13:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ZIMBABWE: Robert Mugabe Oo Xabsi Guri Lagusoo Rogay iyo Malleteriga Oo Talada Si Buuxda Ula Wareegay.

    Melleteriga talada la wareegay ee Wadanka Zimbabwe ayaa sheegay in ay Xabsi guri ka dhigeen Ropert Mugabi madaxweynihii hore ee wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga talada la wareegay ee Wadanka Zimbabwe ayaa sheegay in ay Xabsi guri ka dhigeen Ropert Mugabi madaxweynihii hore ee wadankaasi.



Jiha wareer dhanka siyaasadda ah ayaa wali kajira wadanka Zimbabwe ee dhaca qaaradda Afrika maalin kadib markii talada wadanka ay inqilaab melleteri kula wareegeen Jeneraalada ugu sareeya ciidanka.

Wararka ka imaanaya magaalada Harare ee caasimadda u ah Zimbabwe ayaa sheegaya in ciidamada melleteriga ay wali wadaan holwgal mugdi badan kujiro oo ay ku baacsanayaan mas’uuliyiin katirsan xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Ropert Mugabi.

Jenaraal Sibusiso Moyo oo kamid ah taliyaasha ugu sarraysa melleteriga ayaa Telefeshinka qaranka wadankaasi ka sheegay in ay xukunka lawareegeen ciidanka melleteriga islamarkaana ay xabsi guri kusoo rogeen mugabi iyo saraakiishii ku hareeraysnaa oo uu ku tilmaamay Mujrimiin musuq maasuq lugaha kula jiray.



Goob joogayaal ku sugan magaalada Harare ayaa sheegay in waddooyinka magaalada ay wali ka dhax tubanyihiin, gaadiidka gaashaaman iyo ciidamo kumanaan ah islamarkaana marmarka qaar lamaqlayo rasaas iyo madaafiic.

Jeneraallada hoggaaminaysa inqilaabka melleteri ayaa umuuqda in ay ka gaabsanayaan in waxa socda ay ku tilmaamaan Afgambi waxayna sheegayaan in uu bad qabo Mugabi oo hadda xabsi guri ah.

Afhayeen uhadlay Morgan Tasfangaraay hoggaamiyaha mucaadka Zimbabwe ayaa sheegay in waxa socda ay yihiin hagaajin dhanka maamulka ah oo uu melleterigu wado.


Dhinaca kale madaxweynaha Koonfur Afrika Jokob Zuuma ayaa xaqiijiyay in Ropert Mugabi uu khadka taleefanka kulasoo xiriiray uuna usheegay in uu xabsi guri kuyahay magaalada Harare.

Zimbabwe ayaa tan iyo markii ay xuriyadda ka qaadatay dalka Ingiriiska sanaddii 1980 waxaa maamulayay Mugabi oo ahaa madaxweynaha ugu da’da weyn caalamka isagoo jira 93 ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items