Weerar Jidgal Ah Oo Ciidamo Katirsan DF-ka Lagula Beegsaday Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Thursday November 16, 2017 - 19:12:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Jidgal Ah Oo Ciidamo Katirsan DF-ka Lagula Beegsaday Deegaanka Ceelasha Biyaha.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar dhabagal ah u dhigay maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka xilli ay ku socdaalayeen galbeedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar dhabagal ah u dhigay maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka xilli ay ku socdaalayeen galbeedka magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid u xooggan ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha lagula beegsaday gaadiid Tikinika ah oo ka yimid degmada Afgooye kunasii jeeday magaalada Muqdisho.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in dagaalyahannada Al Shabaab ay kolonyada gaadiidka ah la eegteen gantaallada garbaha laga gemo iyo rasaas.

Mid kamida gaadiidka Tikinikada oo ay ciidamo la socdeen ayaa rogmaday xilligii uu dagaalku socday, sidoo kale gaari Hoomey ah oo la ay socdeen kuwa loogu yeero Haweenka qaranka ayay rasaas xooggani haleeshay.


Gaariga oo dhaawacyo iyo Meydad wada ayaa la sheegay in uu usoo dhaqaaqay dhanka gobolka Banaadir, ciidamada iyo gaadiidka labeegsaday ayaa degmada Afgooye geeyay saad melleteri waxaana diray guddoomiyaha gobolka Banaadir Ninka lagu magacaabo Thaabid kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay dadka maangaabka ah u sheegayay in ay ka qeyb qaataan dagaal ka dhan ah waxa loogu yeero Argagaxisada.

Haween dareeska ciidanka ku labisan ayaa la sheegay in ay halis ku galeen dagaalkii maanta waxaana muuqata in DF-ka ay halis gelinayso dad waxma garata ah oo aan waligood fagaare dagaal xaadirin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items