5 Qof Kenyaan Ah oo Lagu Dilay Rabshado Ka Dhacay Magaalada Nairobi.

Saturday November 18, 2017 - 08:36:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Qof Kenyaan Ah oo Lagu Dilay Rabshado Ka Dhacay Magaalada Nairobi.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dibad baxyo rabshada wata oo shalay ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda u ah wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dibad baxyo rabshada wata oo shalay ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda u ah wadanka Kenya.


Ugu yaraan 5 qof oo kamid ah taageerayaasha Xisbiga NASA ayaa ku dhintay magaalada caasimadda ah sida ay sheegeen saraakiisha Booliska.

Diba baxyada ayaa bilaawday kadib markii uu garoonka diyaaradaha Nairobi  kasoo degay Railla Odinga oo ah hoggaamiyaha ugu weyn kooxaha mucaaradka ee looga adkaaday doorashooyinkii dhawaan dhacay.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ciidamada Boolisku ay rasaas nool nool u adeegsadeen, goob joogayaal ayaa sheegay in dad ku dhow 2 Milyan oo qof ay shalay isugusoo baxeen fagaarayaasha waaweyn si ay usoo dhaweeyaan hoggaamiyahooda.


Ciidamada Booliska ayaa la xaqiijiyay in ay adeegsadeen Sunta dadka ka ilimeysiisa taas oo sababtay in boqolaal qof ay miirdaboolmaan.

Railla Odinga oo hadlayay ayaa eedeyn ujeediyay ciidamada Booliska iyo madaxweynaha Kenya "Waxaan ka xanaaqsanahay ninkan la yiraahdo Uhuru Kenyatta, dibada ayaan aaday markii aan soo laabtay oo aad si wanaagsan ii soo dhoweyseen,waxa uu soo direy Boolis si ay u isticmaalaan gaaska dadka ka ilimeysiiya  iyo weliba in ay idin garaacaan oo rasaas noolnool idinku ridaan,tan miyaysan ahayn mid waxashnimo ah”.

Waa Rabashadihii ugu xooganaa ee ka dhaca wadanka Kenya tan iyo markii guddiga doorashooyinka uu bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in Uhuru Kenyatta  ku guuleystay doorashooyinkii ku celiska ahaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items