Axmed Siilaanyo Oo Ka Digay Rabshado Markale Ka Dhaca Deegaanada Maamulka 'Somaliland'.

Sunday November 19, 2017 - 12:14:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Siilaanyo Oo Ka Digay Rabshado Markale Ka Dhaca Deegaanada Maamulka 'Somaliland'.

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa digniin kasoo saaray rabshadihii maalmo ka hor ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ee khasaaraha badan dhaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa digniin kasoo saaray rabshadihii maalmo ka hor ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ee khasaaraha badan dhaliyay.


Axmed Siilaanyo ayaa ugu baaqay guddiga doorashooyinka in ay ka taxadaraan in ay faafto natiijo ku saabsan doorashada ka hor inta aan sida rasmiga ah loogu dhawaaqin, Siilaanyo ayaa sheegay in rabshadihii dhacay ay ka dhasheen khudbado ay siyaasiyiin ka jeediyeen qalabka warbaahinta.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayuu ugu baaqay in ay tallaab adag ka qaadaan dadka doonaya in ay faafiyaan warar xasarada dhalin kara ‘’Waxaan ugu baaqayaa hay’addaha Amniga in ay dabagal buuxda ku sameeyaan cid kasta oo ku howlan hurinta colaad sokeeye" ayuu yiri Silaanyo.


Taageerayaasha Xisbiga Wadani ayaa maalmo ka hor rabshado dad badan ku dhinteen ka sameeyay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, siyaasiyiin ayaa ka digaya in haddii guusha lasiiyo Xisbiga Kulmiye ay dagaallo ka dhici karaan deegaannada loo yaqaan 'Somaliland' ee dhaca Waqooyi galbeed dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items