R/Wasaarihii iscasilay Ee Lubnaan Oo Marti Ku Ah Magaalada Paris.

Sunday November 19, 2017 - 12:14:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaarihii iscasilay Ee Lubnaan Oo Marti Ku Ah Magaalada Paris.

    Maalin kadib markii uu gaaray magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayuu R/wasaarihii iscasilay ee wadanka Lubnaan wuxuu sheegay in uu xur yahay islamarkaana uu dhowaan dib ugu laaban doono magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin kadib markii uu gaaray magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayuu R/wasaarihii iscasilay ee wadanka Lubnaan wuxuu sheegay in uu xur yahay islamarkaana uu dhowaan dib ugu laaban doono magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan.


Sacad Alxariiri oo kulan laqaatay madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in uu Arbacada soo socota kulan la qaadan doono Miishaal Cown oo ah madaxweynaha Lubnaan kaasi oo khamiistii lasoo dhaafay warbaahinta u sheegay in R/wasaarihii xukuumaddiisa uu xabsi guri kuyaha wadanka Sacuudiga.

Kumanaan qof oo katirsan jaaliyadda Lubnaan ee ku sugan wadanka Faransiiska ayaa dhigay dibad baxyo ay kusoo dhoweynayaan Sacad Alxariiri, dowladda Faransiiska oo horay usoo gumyesatay Lubnaan ayaa isbuucii lasoo dhaafay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga udirtay wasiirkeeda arrimaha Dibadda si R/wasaaraha iscasilay ee Lubnaan loogasoo saaro Sacuudiga.


Qoyska Alxariiri ayaa iyana sheegay in uu yahay mid xur ah balse duruufaha uu xilka R/wasaaranimo isaga casilay uu isagu ka sheegi doono magaalada Beyruut marka uu dalka dib ugu laabto.

Iscasiladdii uu afartii bishaan NOV,2017  Sacad Alxariiri uga dhawaaqay magaalada Riyadh ayaa la aaminsanyahay in ay aheyd mid ay ku qasabtay dowladda Sacuudiga oo doonaysa in ay Lubnaan ka dhigto meel ay kula loolantay dowladda shiicada Iiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items