Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Wadada Xiriirisa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Monday November 20, 2017 - 15:47:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Wadada Xiriirisa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya deegaanka Gololeey Daa’uud ee duleedka degmada Balcad ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah lagula beegsaday ciidamo katirsan DF-ka oo kusii jeeday magaalada Jowhar.

Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka halka 5 kale ay ku dhaawacmeen, ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab oo weerarka fuliyay ayaa qori PKM ah ka furtay ciidamada lagu dilay weerarka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada la weeraray uu si dirqi ah uga badbaaday in uu ku dhaco gacanta dagaalyahanada Al Shabaab.


Goob Joogayaal ayaa sheegay in isbitaalka guud ee degmada Jowhar ladhigay dhaawacyada 5 askari oo ku waxyeeloobay dagaalkii ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Wadada xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ayaa qarka usaaran in ay xiranto kadib markii Al Shabaab ay sare uqaadday weerarada hubeysan ee ay labeegsanayso ciidamada DF-ka iyo kuwa AMISOM.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items