Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Sharci Ka Dhigtay Guushii Uu Kenyatta Ka Gaaray Doorashadii Ku Celiska Aheyd.

Monday November 20, 2017 - 11:46:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Sharci Ka Dhigtay Guushii Uu Kenyatta Ka Gaaray Doorashadii Ku Celiska Aheyd.

    Garsoorayaasha Maxkamadda sare ee wadanka Kenya ayaa isku raacay in lalaalo dacwad ka dhan aheyd dib udoorashadii Uhuru Kenyatta Madaxweynaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoorayaasha Maxkamadda sare ee wadanka Kenya ayaa isku raacay in lalaalo dacwad ka dhan aheyd dib udoorashadii Uhuru Kenyatta Madaxweynaha wadankaasi.



Fadhi ay guddiga garsoorka Maxkadda sare ay ku yeesheen magaalada Nairobi ayay ku sheegeen in ay sharci aheyd dib udoorashadii Uhuru Kenyatta arrinkaas oo ka caraysiin karta taageerayaasha mucaaradka.

David Maraaga oo ah madaxa Garsoorayaasha maxkamadda sare ayaa sheegay in 6 garsoore ay isku raaceen in lalaalo dacwadda ka dhanka ah doorashadii dhowaan dhacday.

Wariyaal ayaa soo sheegaya in tani ay ugogol xaareyso in markale isbuuca soo socda xilka madaxtinimo loo dhaariyo Uhuru Kenyatta.



Railla Odinga ayaa jimcihii lasoo dhaafay taageerayaashiisa ugu baaqay in ay diidaan natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii halka dhinac ahaa ee bishii lasoo dhaafay Kenya ka dhacday.

Garsoorayaasha Maxkamadda sare ayaa qabsaday 21 maalmood oo ay kusoo bandhigi doonaan caddeymaha muujinaya in ay sharci aheyd dib udoorashadii Uhuru.

Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay Rabshado maalmihii jimcaha iyo sabtidii ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Nairobi kadib markii ciidanka Boolisku ay suntan dadka ka ilimeysiisa u isticmaaleen taageerayaasha mucaaradka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items