AMISOM Oo Sheegtay in 281 Askari looga Dilay Soomaaliya Sanaddan 2017 [Warbixin].

Monday November 20, 2017 - 16:33:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM Oo Sheegtay in 281 Askari looga Dilay Soomaaliya Sanaddan 2017 [Warbixin].

    Wargeyska lagu magacaabo Daily Nation ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa soo qoray warbixin dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan dagaalka adage e ka socda gudaha Soomaaliya, Iyadoona sheegtay in mudooyinkii u dambeeyey ay kordheen weerarada joogtad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore Askar Uganda looga dilay Sh/hoose
Wargeyska lagu magacaabo Daily Nation ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa soo qoray warbixin dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan dagaalka adage e ka socda gudaha Soomaaliya, Iyadoona sheegtay in mudooyinkii u dambeeyey ay kordheen weerarada joogtada ah ee lagu hayo ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaatka Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Wargeyskan ayaa warbixin uu soo qoray ku sheegay in weerarada mujaahidiinta ee kordhay mudooyinkii u dambeeyey ay keeneen cabsi xoogan oo laga qabo amaanka dalka Soomaaliya xilli ciidamada AMISOM ay bilaabeen qorshaha bixitaankooda.

Wargeysku wuxuu sheegay in weeraradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda ay keeneen in ay is casilaan madaxda ciidanka sida waziirkii gaashaandhigga Cabdi Rashiid Cabdullaahi iyo taliyihii ciidanka Axmad Jimcaale Cirfiid.



Cabsida taagan waxay keentay buu yiri sidoo kale in xilalka laga xayuubiyo madaxda sirdoonka iyo amniga ee dalka, iyo in Mareykanka uu muwaadiniintiisa ku amro in ay isaga baxaan wadanka.

QM ayaa sidoo kale shaqaalaheeda caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba ugu baaqday in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan marka ay joogaan Soomaaliya., Digniin noocaas la mid ah waxaa sidoo kale la siiyey wasaaradaha Dowladda Federaalka sida uu sheegay Wargeyska Daily Nation.

Wasiirka warfaafinta Ninka lagu magacaabo C/Raxmaan Yariisoow ayaa wareysi uu siiyey Wargeyska  wuxuu ku sheegay in dagaalka lagula jiro Mujaahidiinta ee hadda ka socda wadanka uu yahay mid madaxa iskula jira, islamarkaana Mujaahidiintu ay badaleen xeeladahooda dagaalka, ayna fulinayaan weeraro Jabhadeyna ah "Wey adag tahay in la hor istaago argigixiso dooneysa, diyaarna u ah in ay naftooda bixiyaan” ayuu yiri Yariisow.

Wargeyskan ayaa sheegay in Kororka weerarada Xarakada Al-Shabaab saddexdii bilood ee ugu dambeysay ay ahaayeen kuwa aad u sarreeya, islamarkaana bishii la soo dhaafay oo kaliya la dilay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowladda Federaalka Soomaaliya  inkastoo aysan sheegin goobaha lagu kala dilay.

Wargeyska ayaa sidoo kale isagoo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ayaa  sheegay in howlgalka AMSIOM uu gudaha Soomaaliya ku waayey 281 askari sanadkan aan ku gudajirno  ee 2017 oo kaliya.

Sababo ku aaddan weerarada dagaalyahanada Al Shabaab, wuxuu  wargeyskan uu sheegay in maleeshiyaatka DFS ay ka soo baxeen ugu yaraan 32 saldhig oo ay ku lahaayeen tuulooyinka iyo magaalooyinka yaryar.

Madaxa dowladda Federaalka oo  dhawaan xilka ka xayuubiyey saraakiisha amniga iyo sirdoonka, horayna uu dowladiisa isaga casilay waziirka gaashaandhigga ayaanan illaa hadda soo dhisin saraakiil iyo jeneraalo maleeshiyadiisa ku hogaamiya dagaalka, waxaana burburka qarka u saaran rajo badan oo ay dadku ka qabeen Farmaajo iyo han siyaasadeed oo isaga ku jiray.

Inkastoo tiradan ciidamada AMISOM looga dilay sanaddan 2017 ay tahay mid aad uyar marka loo eego weerarada dhacay hadane Taliyaasha AMISOM illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah kamasoo saarin khasaarihii soomaaliya kasoo gaaray sanadadii 2016 iyo 2015 oo ahaa sanadadii ay dhaceen weeraradii ugu xooganaa ee lagusoo gaba gabeeyay saldhigyo melleteri oo Midowga Afrika uu kulahaa bartamaha iyo Koonfurta dalka.

Isha Warka: Daily Nation

 

Related Items