Musharrax Cabdi Raxmaan Cirro Oo Qaadacay Doorashooyinkii Ka Dhacay Deegaanada Maamulka 'Somaliland'.

Tuesday November 21, 2017 - 10:09:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharrax Cabdi Raxmaan Cirro Oo Qaadacay Doorashooyinkii Ka Dhacay Deegaanada Maamulka 'Somaliland'.

    Laba Kamid ah musharixiintii u tartameysay xilka madaxtinimada maamulka isku magacaabo 'Somaliland' ayaa sheegay in si khalad ah doorashadaas loo maamulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Kamid ah musharixiintii u tartameysay xilka madaxtinimada maamulka isku magacaabo 'Somaliland' ayaa sheegay in si khalad ah doorashadaas loo maamulay.
Cabdi Raxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa ku dhawaaqay in xisbigiisu uu qaadacay doorashadii dhacday oo uu ku tilmaamay mid fadeexo ah oo lagu shubtay isagoona taageerayaashiisa ugu baaqay in ay soo dhiciyaan waxa kamaqan.

Cirro oo shalay shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyay maamulka talada haya in uu sameeyey khiyaano, Sidoo kale Musharax Cirro ayaa ka dhawaajiyay in dadkii u codeeyay doorashada ay ku jireen carruur aan qaan-gaarin, oo isugu jiray carruur 7 sano jir iyo kuwo dhowr iyo toban jir ah, waxaana uu intaa ku daray in xitaa dad geeriyooday ay codeeyeen.


"Waxaa ayaan darro ah in aanay inoo qabsoomin doorasho xor iyo xalaal ah 13-kii bishan November, waxaa dhacay doorashadii kaddib dhib weyn oo dhiig badan ku daatay, waxaa ku jira dadka dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray carruur yarā€¯ayuu yiri Musharax Cirro.

Musharraxa Xisbiga Waddani ayaa soo hadal qaaday in korjoogtadii ka socotay waxa beesha caalamka loogu yeeray ay qireen in khaladaad badan uu ka dhacay doorashadii dhacday 13,NOV,2017 sida in carruur aan qaangaar aheyn ay codeeyeen islamarkaana buugaag labeen abuuray uu xisbiga Kulmiye doorashada u adeegsaday.

Hoos Ka Daaw Shirka Jaraa'id ee Cirro.


Related Items