Daawo SAWIRRO Barwaaqada ilqabadka leh ee kajirta Baadiyaha Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud.

Thursday November 23, 2017 - 09:24:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo SAWIRRO Barwaaqada ilqabadka leh ee kajirta Baadiyaha Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud.

    Roobabka Xilliga Dayrta ayaa sanadkan si wanaagsan ugu hooray inta badan gobollada dalka Soomaaliya waxaana lagu jiraa xilli Barwaaqo ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobabka Xilliga Dayrta ayaa sanadkan si wanaagsan ugu hooray inta badan gobollada dalka Soomaaliya waxaana lagu jiraa xilli Barwaaqo ah.



Xoolaha ayaa heysta daaq wanaagsan halka dadku ay ku guda jiraan tacabka beeraha, gobollada qaar beerihii ayaa bislaasho ku dhow oo waqti aan dheerayn ayaa lafilayaa in dalagyo laga goosto beeraha, waa Nimco mudan in alle loogu shukriyo.

Gobollada dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ee kala ah Mudug,Hiraan, iyo Galguduud sanadkan waxay noqdeen meelaha ugu roobabka badan dalka Soomaaliya, baadiyaha Galguduud ayaa noqday meel il doogsi wanaagsan leh kadib markii roobabku ay ku xasileen, duleedka magaalada Ceelbuur ayaa lagu arkayaa biyaha xareedda oo fadhiya balliyada iyo meelaha biya fadhiisadka ah.



Labadii sanadood ee lasoo dhaafay gobollada dhexe waxaa kajiray abaaro iyo roob yari balse sanadkan muuqaalku waa mid ka duwan kuwii hore, Reer Ceelbuur waxay heystaan barwaaqo iyo Nabad gelyo neecaawda iyo rayn raynta kajirta Bariga Galguduud waxay imaanaysaa iyadoo sedax sano kadib ciidamada Xabashida Itoobiya laga xureeyay mandiqadda.

dhulkii ayaa cagaartay,beerihii ayaa laguranayaa dadka iyo duunyaduna waxay ka waraabayaan biyaha xareedda oo saafi ah, Ceelbuur kaliya ma ahane barwaaqado waa gobolka Galguduud oo idil.










































Hoos Ka Daawo Xilligii Roobyaridu ka Jirtay Gobolka Galguduud.







Related Items