Ciidamada Al Shabaab Oo Qabsaday Deegaanka Maroodile Ee Gobolka Hiiraan.

Tuesday November 21, 2017 - 12:25:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Qabsaday Deegaanka Maroodile Ee Gobolka Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaan kaabiga ku haaya magaalada Beled Weyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaan kaabiga ku haaya magaalada Beled Weyne.



Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar culus saaka aroortii hore kula jarmaaday deegaanka Maroodile oo qiyaastii 22 KM ujira magaalada Beled Weyne, ciidamo taabacsanaa maamulka 'HirShabelle' ayaa deegaanka isaga firxaday sida ay dadka deegaanku xaqiijiyeen.

Wariye ku sugan Hiiraan ayaa soo sheegay in xoogaga Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka balse lamasoo sheegin wax khasaara ah oo dagaalkaasi ka dhashay.



isfidintan ay sameynayaan ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa imaanaysa xilli Hoggaanka dowladda Federaalka ay ku hanjabeen in guluf dagaaleed ay ku qaadayaan degmooyinka iyo deegaanada ay ka jiraan maamullada islaamiga ah  iyagoo kaashanaya Ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items