Weerar Gaari Gaashaaman Lagu Gubay Oo Markale Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baraawe.

Tuesday November 21, 2017 - 13:19:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaari Gaashaaman Lagu Gubay Oo Markale Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baraawe.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weerar lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari laga gubay ciidamada shisheeye
Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weerar lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baraawe ayaa sheegaya in qarax miino lala helayo gaari gaashaaman oo qeyb ka ahaa kolonyo ay la socdeen melleteriga dowladda Uganda oo ku socdaalayay duleedka magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari gaashaaman lagu gubay qaraxa waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii gaariiga la socday.

Dhinaca kale maleeshiyaad katirsan DF-ka ayaa lagu dilay weerar dhabagal ah oo ka dhacay deegaanka Golweyn oo kaabiga ku haya degmada Buula Mareer.


Goob Joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga Al Shabaab ay wadada ugaleen ciidamada oo kasoo amba baxay Buula Mareer kunasii jeeday deegaanka Shalaabood.

Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka, ma ahan markii ugu horraysay oo weerar khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada huwanta ah uu ka dhaco gobolka Sh/Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items