Muuse Biixi Oo Noqday Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka isku Magacaabay 'Somaliland'.

Tuesday November 21, 2017 - 15:57:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Noqday Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka isku Magacaabay 'Somaliland'.

    Guddiga doorashooyinka maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa ku dhawaaqay natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii dhawaan dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga doorashooyinka maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa ku dhawaaqay natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii dhawaan dhacay.

Muuse Biixi Cabdi oo ka socda Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa la sheegay in uu ku guuleystay hoggaaminta maamulka isku magacaabay Somaliland shanta sano ee soo socota.

Guddiga ayaa sheegaya in 80% ay dadku codeeyeen islamarkaana ay jireen goobo fara kutiris ah oo aysan ka dhicin wax doorashooyinka, natiijada soo baxday ayaa noqotay sidii horay loo saadaalinayay, Xisbiga Waddani  ayaa helay 226,099  oo u dhiganta (40.73%)  Xisbiga UCID ayaa helay  23,141 oo u dhiganta (4.17%) halka Xisbiga KULMIYE uu helay 305.909  oo u dhigfanta 55.19%.


Cabdi Raxmaan Cirro oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani ayaa shalay qaadacay doorashada wuxuuna taageerayaashiisa udiray farriin ah in ay ka dhiidhiyaan ku shubashadii dhacday.

Lasoco wixii soo kordha

Related Items