37 Sanadood Kadib Robert Mugabe Oo iska Casilay Xilka Madaxweynimo Ee Dalka Zimbabwe.

Tuesday November 21, 2017 - 20:36:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    37 Sanadood Kadib Robert Mugabe Oo iska Casilay Xilka Madaxweynimo Ee Dalka Zimbabwe.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Zimbabwe ayaa sheegay in warqadda iscasilaadda uu u dhiibay Robert Mugabi oo ahaa madaxweynihii wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Zimbabwe ayaa sheegay in warqadda iscasilaadda uu u dhiibay Robert Mugabi oo ahaa madaxweynihii wadankaasi.

Mugabe oo muddo 37 sanadood ah gacan bir ah ku maamulayay wadanka Zimbabwe ee dhaca galbeedka Afrika ayaa awoodda lagala wareegay arbacadii lasoo dhaafay kadib markii ay melleterigu xabsi guri kusoo rogeen.

Telefeshinka Afka dowladda ku hadla ee ZBC ayaa lagasii daayay war loogu bishaareynayo shacabka Zimbabwe in uu isacasilay Mugabe oo dadka qaar ay u arkaan Halgamaa waxbadan wadanka uqabtay balse dambiilayaal ay ku hareersnaayeen.

Dabaal degyo ayaa durbadiiba ka bilaawday magaalada caasimadda ah ee Harare, iscasilaadda Robert Mugabe ayaa soo gaba gabaynaysa 37 sanadood oo uu xukunka heystay waxaana lafilayaa in Ku xigeenkiisi uu talada qabto sanad kadibna laqaban qaabiyo doorashooyin madaxtinimo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items