Ururka Xisbullaah Oo Beeniyay in dagaalyahanaddiisu Ay Hub Udaabuleen Yemen iyo Ciraaq.

Tuesday November 21, 2017 - 21:03:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Xisbullaah Oo Beeniyay in dagaalyahanaddiisu Ay Hub Udaabuleen Yemen iyo Ciraaq.

    Ururka Xisbullaah isku magacaabay ee ka dagaallama wadamada Lubnaan iyo Suuriya ayaa si kulul ubeeniyay eedaymo uga yimid qaar kamid ah dowladaha carabta oo ahaa in sawaariikh casri ah uu udiray wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Xisbullaah isku magacaabay ee ka dagaallama wadamada Lubnaan iyo Suuriya ayaa si kulul ubeeniyay eedaymo uga yimid qaar kamid ah dowladaha carabta oo ahaa in sawaariikh casri ah uu udiray wadanka Yemen.

Xasan Nasan Nasrullaah oo ah hoggaamiyaha Maleeshiyaadka shiicada Lubnaan ayaa kalimad cusub oo uu jeediyay uga hadlay war maalin ka hor kasoo baxay wasiirrada arrimaha dibadda dowladaha ku bahoobay Ururka daaquutka Jaamacatal Carab kaas oo iiraan iyo Ururka Xisbullaah ku eedeynayay in sawaariikh Casri ah ay udireen wadanka Yemen ayna taageerayaan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

"Waxaa jirta in laba meel aan hub udirnay arrintaasna waa mid aan ku faanayno, Xisbullaah waxay hub udaabushay Falasdiin iyo Suuriya” ayuu yiri hoggaamiyaha shiiciga ah ee Xasan Nasrullaah.


Sidoo kale maleeshiyaadka shiicada ah ee Lubnaan ku sugan waxay iska fogeeyeen in ay ku lug lahaayeen saaruukh Baalistig ah oo Afartii Bishan ay Xuuthiyiintu ku weerareen garoonka diyaaradaha Boqor khaalid ee Magaalada Riyaadh.

Shir maalin ka hor ay wasiirarada arrimaha dibadaha dowladaha ku bahoobay Jaamacadda Carabta ay ku yeesheen magaalada Alqaahira ee wadanka Masar ayay ku dhaleeceeyeen faragelinta dowladda Iiraan ay ku heyso wadamada Yemen iyo Lubnaan waxayna sheegeen in Ururka Xisbullaah isku magacaabay uu shixnado hub ah udiray Yemen.

Jawaab celintan katimid Xasan Nasrullaah ayaa imaanaysa xilli dowladaha dabadhilifyada Carbeed ay ogolyeen kumanaanka maleeshiyaadka shiicada ah ee xasuuqa ku haaya muslimiinta sunniga ah ee wadamada Ciraaq iyo Suuriya waxaana muuqata Aal Sacuud iyo xulufadeedka Imaaraatka Carabta ay siyaasad ay shucuubtood ku jiha wareerinayaan ay kula tacaamulayaan iiraan iyo xulufadeeda.

Related Items