Askar Mareykan Ah Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Burburtay Xeebaha Wadanka Japan.

Wednesday November 22, 2017 - 14:47:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Askar Mareykan Ah Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Burburtay Xeebaha Wadanka Japan.

    Taliska Ciidanka Badda Mareykanka ayaa sheegay in khasaara xooggan uu ka dhashay shil diyaaradeed oo qabsaday diyaarad dagaal xilli ku sugneed xeebaha wadanka Japan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Tusaale ah diyaarad burburtay
Taliska Ciidanka Badda Mareykanka ayaa sheegay in khasaara xooggan uu ka dhashay shil diyaaradeed oo qabsaday diyaarad dagaal xilli ku sugneed xeebaha wadanka Japan.


Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidanka Mareykanka ayaa dhintay tira kalane waa lala'yahay kadib markii diyaaradii ay la socdeen ay kula burburtay gudaha badda Pacific-ka sida ay sheegeen saraakiil katirsan dowladda Mareykanka.

Diyaaradda ayaa burburta daqiiqado yar kadib markii ay ka haadday Markab dagaal oo lagu magacaabo USS Ronald Reagan waxayna kusii jeedday Markab kale oo ku sugan xeebaha wadanka Filibiin ee isla qaaradda Aasiya.


Saraakiil ayaa sheegay in diyaaradda oo ay la socdeen 11 askari ay ku dhacday biyahadda badda balse gurmad iyo baadi goob la sameeyay lasoo badbaadiyay 8 askari halka sedax kale ay dhinteen.

Shilkan oo dhacay Saacadda waqtiga Maxalliga Japan markii ay ku beegneed 2:45 p.m., shil isla badda Japan ka dhacay laba bilood ka hor waxaa ku dhintay 17 Askari oo la socday Markabka USS John S. McCain.

Ciidamada US Navy ayaa bilibii lasoo dhaafay wajahayay khasaarooyin is xigxigay kadib markii laba shil ay ku galeen xeebaha Sengabuur iyo Japan, Donald Trump ayaa bil ka hor shaqaada ka Eryay Taliyihii ciidanka Badda oo lagu eedeeyay in uu ku fashilmay baajinta laba shil oo ay ku burbureen Maraakiib Gujisyo ah islamarkaana tobaneeyo Askari ku dhinteen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items