Mid Kamida Xildhibaanada Maamulka Galmudug Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Wednesday November 22, 2017 - 19:26:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Xildhibaanada Maamulka Galmudug Oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas maanta gelinkii dambe ka dhacday agagaarka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas maanta gelinkii dambe ka dhacday agagaarka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.


Ciidamo ilaala u ah mid kamida xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa toogasho ku dilay xildhibaan katirsanaa maamulka 'Galmudug' isku magacaabay.

Ciidamo ilaalo u ahaa xildhibaan Abuukaate ayaa isgoyska Sayidka Ku dilay Maxamed Cabdi Guuleed oo kamid ahaa xildhibaanada Galmudug sida ay sheegeen saraakiil katirsan dowladda Federaalka, wararka ayaa intaas ku daraya in aysan dhicin wax rasaas ah oo lays dhaafsaday balse ciidamada wax dilay ay tacshiirad ku fureen gaariga xildhibaanka ladilay.


Wadada Makka Al-Mukarrama ayaa lagu arkaa maleeshiyaad aad uhubeysan oo ilaalo u ah xildhibaanno,wasiirro iyo saraakiil katirsan DF-ka kuwaas oo marmarka qaar dhaxdooda inta kala shakiyay dagaallama.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items