Al-Xariiri Oo Ka laabtay iscasilaaddii uu Horay usameeyay Kadib Socdaal uu Ku tagay Lubnaan.

Wednesday November 22, 2017 - 19:35:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Xariiri Oo Ka laabtay iscasilaaddii uu Horay usameeyay Kadib Socdaal uu Ku tagay Lubnaan.

    Sacad Al Xariiri R/wasaarihii xukuumadda Lubnaan ee dhowaan iscasilay ayaa gaaray magaalada caasimadda ah ee Beyruut isagoona markale sheegay in uu ka laabtay iscasiladdii uu sameeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacad Al Xariiri R/wasaarihii xukuumadda Lubnaan ee dhowaan iscasilay ayaa gaaray magaalada caasimadda ah ee Beyruut isagoona markale sheegay in uu ka laabtay iscasiladdii uu sameeyay.


Alxariiri oo saaka aroortii hore ka degay garoonka diyaaradaha Beyruut ayaa sheegay in madaxweynaha Lubnaan uu ka codsaday in uu ka laabto iscasilaadda sidaas daraadeed uu sii ahaanayo R/wasaaraha Lubanaan.

Kumanaan katirsan taageerayaashiisa ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada Caasimadda ah kuwaas oo kor ululayay calanka wadanka Lubnaan, khudbad uu ka jeediyay Telefeshinka Lubnaan ayuu ku yiri " waan idinlasii joogi doonaa si aan uga qeyb qaato difaacidda Xuriyadda Lubnaan".


الحريري يقرأ الفاتحة على ضريح والده رفيق الحريري
4 NOV,2017 ayuu magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga uga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay isagoo xilligaas Ururka Xisbullaah ku eedeeyay in uu halis gelinayo naftiisa islamarkaana Lubnaan uu ugacan gelinayo dowladda Shiicada Iiraan wuxuuna wixii xilligaasi ka dambeeyay ahaa Xabsi guri waloow markii dambe uu usafray wadanka Faransiiska.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items