Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Saldhig Melleteri Oo Kuyaal Duleedka Degmada Dhoobleey.

Thursday November 23, 2017 - 09:22:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Saldhig Melleteri Oo Kuyaal Duleedka Degmada Dhoobleey.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii waxay weerar ku qaadeen saldhig melleteri oo kuyaal duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii waxay weerar ku qaadeen saldhig melleteri oo kuyaal duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.


Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen duleedka deegaanka Dhoobleey halkaas oo ay saldhig melleteri ku lahaayeen maleeshiyaad ay dowlada Kenya tababartay oo taabacsan maamulka Axmed Madoobe ee 'Jubbaland' lagu magacaabo.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in dagaal saacado badan qaatay kadib ay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin usuurtagashay in ay la wareegaan saldhigga melleteri oo ay yaalleen gaadiid dagaal iyo saanado melleteri.


Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in ay ka dhasheen dagaalladii cuslaa ee xalay ka dhacay duleedka Dhoobleey, jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlay deegaanno ka fog fog goobta dagaalka sida ay sheegeen dad ku sugan Jubbada Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items