Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Lagu Weeraray Saldhigga Booliska Degmada Walla-weyn Sh/Hoose.

Thursday November 23, 2017 - 10:00:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Lagu Weeraray Saldhigga Booliska Degmada Walla-weyn Sh/Hoose.

    Wararka naga soo gaaraya degmada Walla-weyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in fiidnimadii Qarax xooggan lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa Saldhiga degmadaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya degmada Walla-weyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in fiidnimadii Qarax xooggan lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa Saldhiga degmadaas.


Qaraxa oo ka dhacay Bambaano nuuca gacanta laga tuuro ah ayaa sababay in dhaawac halis ah uu soo gaaro 3 Askari oo katirsan ciidamada dowladda ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Dhaawacyada Askarta oo ah kuwa halis ah ayna suurtagal tahay in ay u dhinteen dhaawacyada soo gaaray ayaa loola cararay isbitaalka degmada, qarax kadib ayaa xalay Bandaw lagusoo rogay dhammaan xaafadaha degmada Walla-weyn sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa saaka deggan waxaana dib ubilaawday dhaq dhaqaaqyada ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka dadweynaha, degmada Walla-weyn ayaa kaabiga ku heysa garoonka melleteriga Ballidoogle oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamo Mareykan iyo AMISOM ah.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items